Maxkamad ku taal Ingiriiska Oo Markale Xukun ku Ridday Shirkada Maamushada Dakadaha Jabuuti.

Maxkamadda sare ee England iyo Wales ee magaalada London ayaa markale xakun ku riday shirkadda dekadaha ee dawladda Djibouti (“PDSA”) iyadoo daba socota go’aankii 31-dii bishii Agoosto ee 2018-ka, kaas oo Jabouti  ka mamnuucaysa in aysan faragalin ku sameyn maamulka dekedda Doraleh.

Maxkamadda ayaa amartay in ay sii socoto dacwada ilaa amar dambe Kadib markii 14-kii bishii Sabteembar ee 2018-ka ay maxkamadda dhagaystay dacwadda, taas oo shirkada PDSA ee Jabuuti  aysan soo xaadirin maxkamadda.

Amarka maxkamadda sare ayaa daba socday ka dib markii PDSA ay joojisay heshiiskii ay shuraakada kula ahayd DP World, iyo qabashada shirka aan caadiga ahayn ee ay isugu yeertay hay’adda marsooyinka Jabuuti (PDSA) 9-kii bishan Siteembar, si loo beddelo agaasimeyaashii ay u soo magacawday shirkadda DP World Terminalka Kontaynarrada Dooraale oo ay labada dhinac shuraako ku ahaayeen.

Maxkamadda ayaa sidoo kale amar ku bixisay in ay khasab tahay in PDSA ay xaqiijiso isbedel kasto oo ay ku sameenayso dekedda Dooraale ay ku saleeyso qoondada heshiiskii sida wada jirka ah loo saxiixay.

Taasi oo micneheedu yahay, in dawladda ama PDSA aysan koontorooli Karin ama aysan heshiis la gali Karin shirkad kale iyadoo aan lala socodsiin shirakadda DP World.

DP World ayaa toddobaadkii la soo dhaafay xaqiijisay in ay horay u sii wadi doonto waddo kasto oo sharciga ku saleeysan si ay u difaacato qoondadooda dekedda Dooraale.

Sanadkii 2016-kii heshiiska ganacsiga ee ay dawladda la gashay DP World ayaa waxaa lagu saleeyay sharciga Ingiriiska. Taasi oo micneheedu yahay in khilaafkasta oo ku salaysan heshiiskaas lagu xaliyo heshiis ay dhexdhexaad ka tahay maxakamadda LCIA.

Dekadda Dooraale waa isha dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo Jabuuti, waana halka ay shaqaalaha ugu badan ka helaan fursadaha shaqo.