Sacuudiga oo dhistay dhaba tareen casri ah oo ay ku baxday Malaayiin dollar (Daawo Sawirradda)

Boqorka Sucuudiga ayaa xadhiga ka jaray tareen dheereeya oo casri ah kaasoo ka howlgali doono labada magaalo ee barakeysan ee Makka iyo Madiina oo isugu jira qiyaastii 450km.

Dhisitaanka dhabadda tareenkan cusub waxaa ku baxay 6.7 bilyan oo doollaar isagoo saacadiiba jari doona 300km.

Saraakiisha Sucuudiga ayaa sheegay in tareenkan uu qaadii doono sannadkiiba 60 miliyan oo rakaab ah isla markaasna uu fududayn doono saxmadda ay la kulmaan xujayda min Makka ilaa Madiina, iyadoo la filayo inuu si rasmi ah u howlgalo Isniinta nagu soo aadan.

Wasiirka gaadiidka dalka Sucuudiga Nabil Al-Camuud ayaa sheegay in saacado yar loo qaadan doono waddada isku xidha Makka iyo Madina isagoo xusay in ay ka go’an tahay u adeegidda shacabka Muslimiinta.