Waankuu qasbanahay in aan idiin waramo.

 

Dadku waxay ukala baxeen labo kooxood
1- koox ONLF taageersan oo mustafe ku haysta hadal uu shalay jeediyay oo aha calanka ONLF kuwa ku isku qarinaya ka ogolaan mayno.
Siyaabo kale duwan ayay dadku u fasirteen

2- koox kaloo labaad oo ONLF kasoo horjeeda oo mustafe ku tuhmaysa in uu ONLF dusha ku wato oo uu shacabka ku qasbaayo?

Ma jeclayn in aan soo qoro wlhi Lkn waxbaan idiin sheegaya
1:waxaad ogtihiin mustafe In ay Oromadu keensatay waxayna u keensadeen wanaag ay soomali u qabaan ma ahayn Ee danbay ka lahaayeen
Taas hoosta ka xariiqa .

Hadaba mustafe waa nin soomalinimada ku weyntahay oromadana dhaqankda Waa yaqaan si fiican hadana uu dhibsada bahdilka ay oromadu ku hayso (mustafe oo qoslaayo ka arkaysid marnaba)

Sadexdii todobaad Ee ugu danbaysey wuxuu mustafe bilaabay in uu oromada iska xoreeyo
* kulanki uu layeeshey madaxda jabhada Amxaarda wax iska caadi ah ka ahayn Ee qorshay ahayd

*xilka qaadidi maayarka jigjiga xaal caadi ah ka ahayn
*safarki Asmara wax caadi ah m ahayn
* keenida cadaani magaalada jigjiga wax caadi ah ka ahayn
*mar uu ka hadlaayay arimaha shidaalka wuxuu sheegey in uu qabo fikirka ay shacabku qabaan
Kaaso lid ku ah Ethiopia

Wuxuu dawlada dhexe u sheegey
In jabhada ONLF heshiis lala galo sida kuwa kaleba loola galay mise jabhadaha lala heshiinaayo ONLF ku majirto?

Hadaba Ethiopia waxay dhahdey mustafe iyo axmadow idinkuso laso kulma ONLF waxay diyaar u yihiina soo warsada
Isaga abaabulay safarki Asmara Axmad shide na uuku caawiyay arinkaa uu ku mahadsanyahay run ahanati .
Qofwalba wanaagiisa iyo dhibkiisa intaba Waa qasab In la sheego
Way baxeen hawshi oo dhamays tiran ayay Ethiopia u keeneen .
Ethiopia waxay dhahdey 4 maalmod kadib ayaan wafdi direyna hawshana waan dhamaynayna

Lkn oromadu mustafe way xumaatay colaad horleh ayayna ku bilawdey .
Wada hadalkiina wayba iskaga aamustay
Todobaad baa lasii maraya
Cadaani waad maqasheen maalmo ka hor in uu laha maalin ama laba maalmood ka dib ayaan wada hadalka galaynaa
Aaway wada hadalkii maxaa ku dhacay ?

Ethiopia 7 gudihi haday jabhada la kulmi waydo
Shacabku ha u ogaado in soomalida dan kale oo gaar ah laga leeyahay

Waxa kaloo jirtay Ethiopia way diidanayd cadaani in uu degaanka soomalida tago waxay marmarsiiyo ka dhicaayeen Arimo amnigiisa la xidhiidha

Hadaba mustafe wuxuu bilaabay in jabhada madaxdeeda Jigjiga keeno Ethiopia heshiis lalagalo
Oo soomalidu noqoto
Shacab +maamul+jabhad =awood
Oromadu arinkan way ogyihiin
Mana ogola soomalidu In ay mid noqoto waayo taasi waxay Oromada ku keenaysaa In helinba ruux u adeega iyaga

mustafe isaga soo dhameeyey in uu cadaani Jigjiga yimaado lknse Kooxo Oromadu ka danbayso aya imaashihiisi rabshado ku beegey
Way fikireen waxay isdhaheen hadaad dad ONLF diidan soo isticmaashaan
Waaa la idin fahmi oo jabhada ayay diidanyihiin ba la idin dhihi
Marka waxay sameeyeen
Labo kooxood ayay isku Qaybiyeen
1-koox ONLF wax diidan matalaysa oo shacabka qabiil ku beer laxawsanaysa oo dhibaatooyin horseedey
Iyo
2-koox ONLF wax taageersan matalaysa oo shacabka magaalada waxyeelaynaysa iydo weliba calanka jabhada wataan.

Labada kooxoodba laamaha amnigu way hayaan kulamadoodi iyo telefanadood intaba
Sida awgeed mustafe shalay digniin ayuu u dire
Hadafka laga leeyahay ayaaba ah 1:
in dib loo dhigo imaashaha madaxda jabhad ay imaanayaan Jigjiga
2:in la abuuro xaalad amni darro ok barlamaaka u ogolaanaysa in ay shir deg deg ah yeeshaan
Qof degaanka samata bixiyana la doorto
Amase xisbigu ruux kale iska dhex doorto
Waayo mustafe shaqo loo dirsan ayuu galay
3-in isaga la cabsi geliyo si amarka si wanaagsan ugu qaato

Hadaba maxaa kula gudboon hadaad qof xalaal ah oo dhulkiisa iyo dadkiisa u tudhaaya tahay

Ugu danbayn
Dadwaynaha Waxaan ka codsanayna In ay mustafe si buuxda u taageeraan
Wlhi dadaalbu wada In soomalidu talada dhulkooda xor u noqoto oo la midoobo oo sharaf la yeesho.

Oromaduna way diyaarisay qorshihi lagu fashilin laha
Mustafe

Ethiopia Waa dal guumaysiga khibrad dheeraad ah uleh in la iska keen hor keeno Waa wax foolxun

degaanada kale way isku duubanyihiin dhanwalba
Anaguna qabiil ayuu aqligeeni dhaafi waayay
Wax walba baraha bulshada laguma sheegi karo waxaanse kusoo koobaya
In Midnimada la ilaalsho mustafena la taageero