Sababtii iyo halkii uu ka curtay Kacdoonkii Gobolka Sitti.

 

14/04/2018 Wiil dhalinyarada Degmada Erer ka tirsan oo ku shaqaysanaayo force uu watay dadna usaarnaayeen ayay si Kibir ah wadada ujoojiyeen Rag katirsanaa maamulkii dib ucurashada ee daandaansiga badnaa , waxay Ku amreen inuu dadka dejiyo uu iyaga qaado halka ay rabaanna geeyo , isagoo si wanaagsan ula hadli ayuu usheegay inuu dad sido uu shaqaysanaayo iyagana uusan qaadayn , waxay markiiba ku bilaabeen gacan kahadal ay dharbaaxo iyo hanjabaad iskugu dareen , nasiib wanaag dadkii usaarnaa iyo isqgiiba way dhaadheceen ay gacan ku bilaabeen ragii maamulka ahaa , dagaalkii halkaa bilaamayna wuxuu gaadhay ilaa xafiisyadii oo dhammaan shaqaalihii sare iyo dhalintii gacan iskula tageen , ugu dambaynna kuwii maamulka ahaa ay orod kagasoo baxeen magaalada Erer , Isla maalmihii xigayna wuxuu kusii fiday Kacdoonku degmada shinniile, Hadhagala ilaa markii dambe Degma walba Kacdoon wayni ka bilaamay oo lagu diidanaa maamulkii dulmiga ahaa ee dib ucurashada

Erer iyo Degma walba marxaladihii Kacdoonku Soo maray iyo sababihii sii huriyay waa Arin faahfaahin Dheer ubaahan oo la xusi doono , qoraalkan waxaan uga socdaa uun Degmada Erer oo ah hooyadii Kacdoonka dhalisay ilaa mudadii Kacdoonku socdayna culays badan la saaray oo si xun loola dhaqmay Barbaartii , qaarbaa jidh dil habeen iyo maalin ba lagu waday , qaarbaa dhegaha laga jaray , qaar kalaa tacadiyo naburo xun loo gaystay ilaa gabagabadii maamulkii Cabdi iileey uu Miig maqiiqane uu si Kibir ah tacaddi iyo ciqaab adag ay ku naf bixi gaadheen mariyay laba kamid ah Barbaarta Degmada oo markaa iyagu baabuurkooga iskaga shaqaysanaayay

BarbaartaErereed waxaa culays ka maamulka udheeraa in fitnad laga dhex abuuray labadii Reer ay ku deganaayeen Erer iyo meelo yar Hogaankii nabadgelyada dirdhabe iyo Raggii fitnadda ka dambeeyayna waala ogaa waana ta uu uxidhanyahay maanta ay dacwadeedu kusocoto rag badan oo shacabka isku diray

Ugu dambayntii Barbaarta iyo shacabka Sitti gaar ahaan degmada Erereed cidba Kama rabaan mahadnaq iyo abaalmarin sababtoo ah waxay uhalgamayeen ee loo dhibaataynaayay inay dullinimada ka baxaan ay shacabku xuquuqdooda si buuxdo uhelaan . (Way mudanyihiin in taariikhda Gobolka iyo Deegaankaba meel lagaga qoro Kacdoonka uu Alle sabab uga dhigayna lagu ammaano) balse marna ismalahayn dulmigii iyo xaqdarradii ay ka keceen iyaa maanta ogolaada oo sidii u dullaysnaada la odhani ,Mana yeeli doonaan

Kacdoon kale ha isku kicinina ee shacabku xaqdarradan aad ogaalada leedihiin hadday yeelayaan maamulkii horaba way daysan lahaayeen , imikana Erer iyo Degmooyinka kalaba midna nigama aqbalayso in habkii dulmiga ahaa uu Cabdi iileey wax ulaaqay aad kusoo celisiin (xaq aad lahayn haraadinina lkn waxa aad xaq uleedihiin haka tanaasulina abid)

Qore.Laba-Doon