Sawirro: dhageysiga dacawada Cabdi Iley oo bilaabatay & Cadeymo Hub oo maxkamada lagu wareejiyay.

Bildergebnis für cabdi iley

Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley)ayaa maanta mar kale ka soo hor muuqday maxkamada magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Maxkamada ayaa waxaa goordhow ka bilowday dhageysiga Kiiska loo heysto Cabdi Iley oo dhawaan lagu soo oogay tacadiyo uu kula kacay dadka shacabka.

Maxkamada ay ka socto dhageysiga dacwada ayaa waxaa ku sugan Qareenada iyo qaar kamid ah qoysaska Ex Madaxweyne Cabdi Iley, waxaana halkaa ka muuqda dukumiintiyo lagu diiwaan galiyay kiiska dacwadaha maxbuuska.

Dacwadda dhageysigeeda ay maanta bilaabatay ayaa horay u baaqatay muddo 14 cisha ah oo shalay ku ekeyd, waxaana la filayaa in maanta dacwada Cabdi Iley looga gudbo dhageysiga eedeymaha.

Eedeysane Cabdi Cumar ayaa si gaara loogu heystaa kiisas la xidhiidha dil, xadhig aan loo meel dayin, jidh dil iyo ku takri fal awoodeed, balse waxaa uu waxkama jiraan ka dhigay dhamaan eedeymahaasi.

Cabdi Iley, waxa uu ku doodayaa in shaqsi ahaantiisa uusan ku tagri falin awooda maamulka, hase ahaatee wax waliba oo dhacay ay ku imaaden talaabooyin lagu ilaalinaayay degnaanshaha dhulka.

Ciidamada Koofi casta Ethiopia ayaa Cabdi Maxamuud Cumar kala soo baxay magaalada Jigjiga iyagoo u gudbiyay guri ku yiilay magaalada Addis Ababa 27-dii bishii Augosto.

Ma cadda halka ay maanta saldhigan doonto dacwada Cabdi Iley oo u muuqaneysa mid marba marka xigta sii adkaaneysa waxaana xusid mudan in Maxkamada la horgeeyay Hub iyo Dukumiintiyo ku marqaati furaaya Cabdi Cumar.