Turkiga Oo Sii Daayay Muuqaalka Suxufiga Lala’ yahay Ee Jamal Khashoggi Oo Sii Galaya Qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul.

Sirdoonka Turkiga ayaa sii daayay muuqaalka Suxufiga Lala’ yahay ee Jamal Khashoggi oo Sii galaya Qunsuliyada Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul, kadib markii ay boqortooyadu ogolaatay inay qubaro Turkey ah baadhaan Qunsuliyadaasi.

Wakaalada wararka dalka Turkiga Anadolu ayaa xaqiijisay oggolaanshaha dowlada Sacudi Carabiya toddobaad kadib markii uu galay qunsuliyada magaalada Istanbul ay ku leedahay Boqortoyada Sacudi Carabiya saxafi caan ah Jamal Khashoggi.

Madaxweynaha dalka Turkiga Tayyip Erdogan ayaa shalay weydiistey dowlada Riyad inay cadeyso Sheegashadeeda ah in Khashoggi uu ka tegey qunsuliyada magaalada Istanbul, Dowlada Maraykanka ayaa ugu baaqday dowlada Sacudi Carabiya inay taageerto baadhitaanka lagu doonayo in lagu ogaado halka uu ku dambeeyay Jamal Khashoggi.

Amiirka Sacudi Carabiya Mohamed Bin Salman ayaa u sheegay wargeyska Bloomberg in dowladiisu ay aad u dooneyso inay ogaato waxa ku dhacay Mr Khashoggi isagoo xusay in saxafiga uu ka baxay qunsuliyada kadib markii daqiiqado iyo illaa saacad uu ku sugnaa.

Sidoo kale Amiirka walaalkii Khaled oo ah safiirka Maraykanka u fadhiya Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa ku adkeysanaya in wararka sheegaya in lagu dhex diley qunsuliyada saxafiga Jamal ay tahay been aan raad lahayn.