Saacad uu xidhnaa Saxafiga Khashoggi oo fududeyneysa in lagu ogaado karo Halka uu ku sugan yahay.

Saxafiga u dhashay dalka Boqortooyada Sacudi Carabiya Jamal Khashoggi oo la’ yahay tan iyo labadii bishan kadib markii uu galay qunsuliyada Sacudi Carabiya ee ku taal magaalada Istanbul ayaa la sheegayaa in baadhitaanada lagu raadinayo inay qeyb ka tahay saacad uu xidhnaa saxafigan.

Saraakiil sarsare oo Turkish ah ayaa sheegay inay jirto saacad nooceedu yahay Apple oo uu xidhnaa saxafigan xilligii uu galayay qunsuliyada,saacaduna waxa ay ku xidhneyd mobayl uu dibada ugaga tegey khashoggi.

Mas’uul ka tirsan xukuumadda Turkiga ayaa sheegay in saraakiisha baadhitaanada ku sameynaya halka uu ku dambeeyay saxafiga ay u tahay saldhigga baadhitaankooda saacada uu xidhnaa Khashoggi.

Aqoonyahano xagga aaladaha casriga ah ayaa la sheegay in ay baadhitaano ku sameynayay halka uu ku dambeeyay Khashoggi iyadoo la sheegayo in saacadu ay kashifi karto inuu nool yahay iyo inkale Jamal Khashoggi.

Dowlada Turkiga ayaa aaminsan in la diley saxafiga kadibna jidhkiisa la jarjaray waxayna ka dalabtay boqortoyada Sacudi Carabiya inay jawaab cad ka bixiso halka uu ku dambeeyay khashoggi.

Hase yeeshee Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa sheegtay in aysan ka warheyn halka uu ku sugan yahay Jamal uuna ka baxay qunsuliyada ay ku leedahay magaalada Istanbul saacad kadib markii uu gudaha u galay.

Jamal Khashoggi ayaa ku qori jirey wargeyska caanka ah The Washington Post maqaalo uu ku dhaliilayo madaxda reer boqortooyada Sacudi Carabiya gaar ahaan farogelinta dagaalada Yemen iyo arrimo kaleba.

Khashoggi ayaa ku noolaa muddo sanad ah dalka Maraykanka isagoo halkaa u degey si uu afkaartiisa si xor ah u qoro,hase yeeshee bishii May ee sannadkan ayuu kula kulmay gabadh u dhalatay dalka Turkiga oo ka yar 23 sano Hatice Cengiz shir ka dhacay magaalada Istanbul.

Khashoggi iyo Cengiz ayaa waxa ay bishii August ku heshiiyeen inay is guursadaan ayna degaan dalka Turkiga.

Cengiz ayaa u sheegtay wargeyska Reuters in Jamal uu guri ka iibsaday Istanbul ayna gurigaa cusub qalabaynayeen iyagoo qorsheeytay in ay toddobaadkan aqal galaan.

Sababaha uu aaday qunsuliyada Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa ahayd in uu ka soo qaato dukuminti u oggolaanaya inuu guursan karo isagoo xaaskiisii hore furay.