Sirdoonka Turkiga Oo Helay Goobtii Lagu Aasay Wariye Jamaal Iyo Trump Oo Go’aansaday In Uu Cinqaabo Sacuudiga.

Sidda laga soo xigtay xukuumada Turkiga waxaa la sheegayaa in saacadii (Apple Watch) ee uu sitay wariye Jamaal ay duubtay dhamaan wixii goobta ka dhacay, sidda waraysigii lala yeeshay, cinqaabtii la mariyey (Jidh Dil) iyo dilkiisiiba, iyo halkii lagu aasay markii la googooyey ee la jar-jaray jidhkiisa.

Saacadan ayaa ku xidhanay mobilkiisa oo uu u sii dhiibay Khadiija oo ah, haweenayda uu doonayey in uu guursado, Khadiija ayaa la socotay dhamaan waraysigii laga qaadaayey, balse waxay sheekadu badalantay markii lagu bilaabay jidh dilka, iyadda oo ilowday in ay fuliso balan ay lahaayeen oo ahayd in ay wargaliso booliska, balse saacadu waxay inshaartay in lagu aasay guriga uu dagan yahay qunsuka Sacuudiga oo u jirta shan boqol oo mitir.

Turkiga ayaa la wadaagay muuqaaladan dawlada Maraykanka, oo iyadda sarakiil sare oo ka tirsan sirdoonka iyo aqalka cad ay labuduba ka daawadeen, koonta uu ku lahaa Apple oo kaydisay muuqaalka iy codkaba.

Madaxwynaha Maraykanka oo arintaa ka shiidaal qaadanaya ayaa barnaamija 60-ka daqiiqo oo uu waraysi siiyey ku sheegay in Sacuudigu mutaysan doono cinqaab daran,marka la soo gabagabeeyo baadhitaanka.

Waxaa  jiri doonaa ciqaab daran. “Wareysigiisii ugu horeeyey ee uu siiyey barnaamija 60-ka daqiiqo, laga soo bilaabo markii uu xafiiska qabtay, madaxweyne Trump ayaa u sheegay Wariye Lesley Stahl in haddii Sacuudiyiintu ay masuul ka yihiin, dhimashada saxafiga Jamal Khashoggi, ay jiri dooto cawaaqib

Dhanka kale waxaa masuuliyadda  amaanka iyo  nabadgalayada Khadiija qaaday dawlada Turkiga, kadib markii ay heshay amma loo soo diray hanjaabado farabadan, iyo baayactan lagala baayactamayo iibka muuqaalka ay hayso,oo looga baqay in loogu dilo nafteeda