Itoobiya oo xilal Muhiim ah u magacawday qaar kamid ah Jabhadihii hubeysnaa iyo ONLF oo cidbaa soo hadal qaadin.

 

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wali ku mashquulsan in dalkiisa uu ka hirgaliyo isbedelo baaxad leh, waxaa uuna Ra’isul Wasaaraha Heshiis la gaadhay inta badan Jabhadihii hubeysnaa ee dowlada Itoobiya dagaalka kula jiray.

Dowlada Itoobiya ayaa hada bilowday in xilal muhiim ah u magacawdo qaar kamid ah jabhadihii hubeysnaa ee dagaalka kula jiray dowlada ,waxaa ayna talaabadan qayb ka tahay heshiisyo ay horey dowlada ula gashay Jabahadihii hubeysnaa.

Xubno kamid ahaa jabhadda Oromada ee OLF iyo Ginbod 7 Amxaaradda  ayaa loo dhiibay laamaha ammaanka ee deegaannada Oromiya iyo Amxaaradda, waxaa sidoo kale la filayaa in dowlada ay xilal kale u magacawdo xubno kale oo kamid ah ururadan.

Kamal Dalju oo kamid ahaa xubnaha OLF  ayaa waxaa loo magacabay hogaanka nabadgalyada iyo cadaaladda ee gobolka Oromiya halka gudoomiye ku xigeenkii OLF Xayle Baba ayaa isna loo magacaabay gudoomiyaha booliska ee gobolka Oromiya.

Taliyihii ciidanka Jabhada Ginbod 7 ayaa isna loo magacaabay taliyaha ammniga ee dawlad deegaanka Axmaarada, waxaana magacaabista xubnahan mucaaradka kamid ahaa si weyn looga hadal hayaa gudaha iyo dibadda dalka Itoobiya.

Jabhaddi magac beeleedka  Soomaalida sidatay ee ONLF ayaa iyagu wali heshiis rasmi ah la galin dowlada, mana jiro ilaa hada wax xilal ah oo dowlada Itoobiya u magacwday xubno kamid ah kooxda ONLF oo qaarkood dib ugu laabteen gudaha dalka Itoobiya.