Degmooyinkii sidda sharci daradda ah loogu wareejiye Canfarta oo halis ku sugan(Sawiro)

kililka Canfarta oo ciidamo Liyuu Booolise ah usoo dirtay dhulka Soomaalidu ay leedahay ee khasabka loogu dhaxal wareejiyay.

Ciidankan gaarka u tababaran ayay tahay sababta kaliya ee loo sameeyay inay Soomaalida la dagaallamaan, maadaama gobolka canfartu ku yaallo caloosha Ethiopia cidda kaliya ee maamulkaasu cadawga u arkaana waa Soomaalida ay isku hayn jireen dhul daaqsimeedka u dhexeeya labada gobol ee canfarta iyo Soomaalda. Dawlada Deegaanka Soomaalidu waa inay indha dheer u yeelataa intaan la gumaadin shacabka halkaas ku dhaqan. Waxase wax lala yaabo ah in ilaa Iyo haatan aanay xaalkan soo hadal qaadayn siyaasiyiinta matasha gobolka sitti ee DDS. Waxaad moodaa in badan kooda saacadu kaga go’day waagii nidaamkii hora gobolka maamulayay oon la hadli kari jirin, Siyaasada dawlada cusub ee DDS waa mid cad caddaan badan u baahan uma baahna inaad ka aamustaan arrintan oo kale oo keeni karta cawaaqib aad u foolxun dil iyo barakac intaba. Shacab aan waxba galabsan oo khasab lagu hoos geeyay gobol aanay u dhalan maamulkiisa oo hadana la dul keenay ciidan si gaara u tababaran maaha wax la fududaysan karo. Shacabka Soomaalidu waxay xaq u leeyihiin inay ka tirsanaadaan maamulka DDS, waxay xaq u leeyihiiwn inay nabad ku noolaadaan, waxay xaq u leeyihiin inaan laga bara kicin dhulkooda.

Bild könnte enthalten: Himmel und im Freien

Bild könnte enthalten: Himmel, Wolken und im Freien

Bild könnte enthalten: eine oder mehrere Personen und im Freien

Bild könnte enthalten: Himmel und im Freien

Bild könnte enthalten: Himmel und im Freien

Bild könnte enthalten: Himmel, im Freien und Natur