Kililkii Canfarta oo mar kale dhalin yaro ku laayey tuulada Madane.

Galinka Deymeed (Garba ciise) ee galbeedka gobolka Sitti meel u dhaw
Oo kala baydh ah oo la yidhaahdo Tuuladda Madane kana tirsan maamul ahaana Degmada Ma,yso
Ayaa saaka aroorti waxaa ka dhacay dil dhimasho iyo dhaawac ahaa laba wiil oo dhalinyaro ah oo watay
Mooto ama dhug-duglay ayaa waxaa jidka u galay  dablay canfar  ah oo ka amar qaata maamulka kililka canfarta
waxayna halka Ku dileen  mid ka mid ah wiilashi Mootada watay  halka
Midkina kaleena uu soo gaadhay dhaawac, Allaaha unaxariiso marxuunka dhintay waxaa  la odhan jiray Muuse Xareed,

Dhacdada murugada leh ee fool xun markay dhacday  ka dib waxaa si iskood ah isku abaabulay dhalinti  magaalada Garba-ciise oo wacad ku maray in ay maamulka Canfarta ka aargoosan doonaan dhibta iyo dhagarta ay sidda joogtada ah ugu hayaan.

Waxaa jirtay in maalmihii la soo dhaafay ay maamulka Kililka Canfartu usoo tuuleen ciidamadda gaar ah ee loo yaqaan Liyu Booliska Canfarta degmooyinkii sidda baadilka ah Abdi Iley ugu gacan gashay Canfarta ciidamada oo shacabka galbeedka gobolka Sitti ku hayo cabudhin iyo Caja-jooglayn jogto iska noqotay.

Ciidamada la soo tuulay magaalooyinka Gabo-ciise,Cadaytu iyo Cundhufo waxay ummadda degmooyinka ku nool soo xasuusiyeen dilkii iyo cadaadiskii ay ciidamada Cabdi Iley ku hayn jireen shacabka reer Soomali State ee maanta laga nastay.

 

Bild könnte enthalten: eine oder mehrere Personen

Bild könnte enthalten: Motorrad und Schuhe

Bild könnte enthalten: eine oder mehrere Personen, Personen, die stehen und im Freien

Bild könnte enthalten: eine oder mehrere Personen, Personen gehen spazieren, Personen, die stehen und im Freien

Bild könnte enthalten: Personen, die stehen und im Freien

Kein automatischer Alternativtext verfügbar.