Madaxweyne Erdogan oo ku dhawaaqay maalinta ay shaacinayaan Natiijada baadhitaanka Dilkii Jamal Kashooqgi.

Madaxweynaha dalka Turkiga Racep Dayyib Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in ay soo bandhigi doonaan baadhitaan dhammeystiran oo ku saabsan dilkii saxafiga Jamal Kashooqgi oo lagu dilay gudaha Qunsuliyadda dalka boqortooyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uu soo bandhigi doono xaqiiqooyin dhammeystiran oo ku saabsan kiiska maalinta Salaadadda ee 23-ka bishan Oktoobar, isla markaana ay ka go’an tahay inuu soo bandhigo dhammaan wararkii laga sheegay dilka Saxafiga iyo wixii ka jira, isagoona uu beesha Caalamka la wadaagi doono.

Madaxweynah Turkiga ayaa balanqaaday inay daboolka ka qaadi doono xaalad kasta oo ku xeeran kiiska, ujeedkooduna yahay cadaalad, wuxuuna ku adkeystay inay ka go’an tahay in caddeynta dhammaan macluumaadka ay ka hayaan dilkii saxafiga Jamal kashooqgi oo 2-dii bishan lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Instanbuul.

Taas oo dadweynaha Turkigu uu arkaan in qaranimdda dalkooga meel lagagga dhacay ayna la xisaabtami doonaan Sacuudiga.