Mustafa Almadani: Ninkii Sirdoonka Sacuudiga ahaa ee loo ekeysiiyey Jamal Kashoqgi oo muuqaal laga helay (DAAWO)

Saxaafadda ayaa baahisay muuqaalka nin ka mid ahaa kooxda Sacuudiga ee dilka shirqoolka ah ku fulisay saxafiga Jamal Kashoqgi oo loo ekeysiiyay saxafiga la dilay oo ka baxaya dhinaca dambe ee Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbuul isagoo xidham dharkii saxafiga.

Ninkan oo lagu magacaabo Mustafa Al-madani ayaa loogu talogalay inuu iska dhigo Jamal Kashoqgi si loo caddeeyo inuu ka baxay xarunta Qunsuliyadda si loo marin habaabiyo Caamerooyinka CCTV ee Turkiga, waxayna sirdoonka Sacuudiga ninkan u soo xusheen qarinta kiiska dilka saxafiga oo 2-dii bisha Oltoobar 2018 lagu dhex dilay qunsuliyadda.

Muuqaalka Mustafa Madani waxaa baahisay Telefishanka CNN, waxaana ka muuqda inuu aad ugu eg yahay Jamal, loona xidhay dharkiisa, kadibna uu maray meelo ka mida magaalad Istanbul, taasoo muujineysa in sirdoonka Sacuudiga uu si weyn u qorsheeyay shirqoolka dhagarta ah.

               HOOS KA DAAWO