Itoobiya oo qof haween ahi madaxweyne cusub ka noqotay.

Sahlework Zewdie, waxa ay noqonaysa madaxweynihii shanaad ee Itoobiya
Sahlework Zewdie, waxa ay noqonaysa madaxweynihii shanaad (5)ee  uu dalka Itoobiya Yeesho.


 Dalka Itoobiya ayaa markii ugu horreeysay waxaa madaxweyne ka noqotay haweeney, kaddib markii uu xilka sharcigu ka casilay madaxweynihii hore.

Xildhibaannada labada gole ee dalka Itoobiya ayaa fadhi uu yeeshay, waxaa ay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee dalka Itoobiya u doorteen, Sahlework Zewdie, iyadoo noqotay qofkii ugu horreeyay ee dumar ah oo jagada ka qabata dalka Itoobiya.

Ka hor doorashada waxaa isla xildhibaannadu codsigii is casilaadda ka aqbaleen madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya Mulatu Teshome,kaaso xilka hayay muddo afar sanno iyo badh ah, waxaa ugu weyn ee uu xilka uga tagay waxaa aad loo aaminsan yahay in ay la xidhiidho isu dheellitirka siyaasadda Itoobiya ee wax qaybsiga qoowmiyaddaha, ayadoo ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo Mulatu Teshome ay labadaba ka soo jeedaan qoowmiyadda Orommadda, sidaa darteedna aysan isku darsan karin labadaas jago ee ugu waaweyn dalka.
Dumarka ayaa hadda awood weyn ku leh dalka Itoobiya,dhawaan isbadal uu golaha wasiirrada ku sameeyay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, wasiirrada 50% ayuu dumar ka dhigay inkasto ay wali ka muuqan dumar Soomaaliyeed.