Itoobiya oo shaacisey Dayac-gacmeed ay Hawada u dirayso+Ciday la wadaagtay.

Itoobiya ayaa sheegtay iney sannadka 2019-ka ay marki ugu horreysay hawada sare ay u dirraysoo dayax-gacmeedki ugu horreeyey oo ay yeelato abid.

Warkan oo laga  soo xigtay xafiiska isgaadhsiinta ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya sameynta dayax-gacmeedka Itoobiya iney iska kaashadeen Khubaro ka kala socday dalalka Itoobiya iyo Shiinaha.

Madaxa machadka teknooljiyadaha hawada sare ee Itoobiya Dr Selemon Belay, wuxuu sheegay sameynta dayax gacmeedka Itoobiya ay hawada u diri lahayd inuu haatan gabagabo marayo.

Waxaana la dhammeystiray ayuu raaciyey fasaxi caalamiga ahaa ee nalooga baahnaa iyo diiwaangelinta ceymiska intaba.

Waxayna si rasmi ah dayax-gacmeedka hawada sare aan u direynaa ayuu yidhi sannadka 2019-ka.

Dayax-gacmeedka oo hawada sare loo diraayo dalka Shiinaha waxuu Itoobiya ku soo gaadheyaa afar maalmood gudahood.

Dayax-gacmeedka oo miisaankeedu yahay 70 kiilo waxaa loo adeegsan doonaa dabagalka iyo uruurinta xogaha la xidhiidha beeraha, biyaha, macdinta iyo horumarinta magaalooyinka.

Waxuuna awood u leeyahay 54 maalmood inuu dunida oo dhan ku soo wareego, Itoobiyana 4 maalmood.

Machadka sameynta dayax-gacmeedkan hirgeliyey ee Itoobiya waxaa marki ugu horreysay la aasaasay 2016-ka, iyada oo ay machadku u qorsheysan tahay ilaa iyo 2025-ka inuu hawada sare uu u diro dayax gacmeedyada dalka uu u baahan yahay oo dhan.

Itoobiya oo ka mid noqoneyso 7-da dal ee qaaraddan Afrika oo yeesha dayax-gacmeed iyaga u gaar ah, waxaa horay dayax gacmeedyo hawada sare u diray waddamada Masar, Koonfur Africa, Nayjeeriya, Ghana, Angola iyo Kenya.