Sawirro: Ciidamo Ethiopian wata gaadiid dagaal oo gudaha u galay degmada Guriceel

Wararka naga soo gaadhaayy degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in halkaa ay soo gaadheen ciidamo farabadan oo ka soo jeeda dalka Ethiopia.

Ciidamadan ayaa la soo wariyey inay ku hubaysanyihiin  gaadiidka dagaal iyo hub xoogan waxa ayna fadhiisimo ka dhigteen duleedka Degmada.

Gaadiidka ay wataan ciidamadan ayaa waxaa ku jira nooca loo yaqan beebaha iyo kuwo kale oo lagu daabulo ciidamada.

Gaadiidka ay wataan ayaa waxaa kamid ahaa nooca xambaara booyadaha biyaha iyo shidaalka kuwaa oo la rumeysan yahay inay ku qaatan biyaha iyo shidaalka.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in ciidamadu ay yihiin kuwo aad u xoogan isla markaana ay dhufeysyo ka sameysteen dhul duleedka ka ah degmada.

Warar madax-banaan ayaa sheegaya inay jirto cabsi la xidhiidha in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay duulan ku qaadan deegaanada la dajiyay ciidamada inta lagu guda jiro khilaafyada dowlada Dhexe iyo maamulka.

Ciidamadan ayaa waxaa hoggaaminaya Saraakiil isugu jirta Ethiopian iyo kuwa Soomaali ah waxaana la garan la’ yahay waxa uu yahay qorshahooda dhabta ah.

Weli lama oga sababta ka dambeysa in Ciidamo Ethiopian ah ay xiligan tagaan degmada Guriceel oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug.