MAGACA „OGAADENIYA“ MA LAGU SUNTI KARAA HASHA SOOMAALIYEED ?

 

 

Xili Siyaasiyiinta iyo indheergaradka ummadu ku hawlanyihiin sidii loo adkayn lahaa midnimada iyo sinnaanta Soomaalida Ethiopia nasiib darro waxaa madaraq la dhex rooraya oo guriga midnimada qaybtii la dhisaba duminaya kooxda ONLF oo aad moodo inay midnimada ka biya diidsanyihiin .
Inta beelwalba ay ku dhaadanayso ururo iyada ku magacaaban oo hadafkeegu yahay siday beesheeda sadbursi ugu heli lahayd waxaa hubaal ah inay midnimadu geed cirka ku yaala ku laalnaanayso .

Waxase yaab ah inaad magaca beeshaada uga suuq raadiso beela kale oo iyaguba magac u gaar ah iska leh ood ka shaqayso sidaaad uga samaysan lahayd dad iyagu iska xuubiya hawiyadooda oo xanbaarta magaca beeleedlkaaga adigoo adeegsanaya qaabab musuq ku salaysan oo ay kamid tahay adeegsiga laaluushka .

Soomaali waxaa midayn kara iyagoo ku midooba astaamaha iyo sumadaha u dhexeeya ee ay ka simanyihiin sida : Dhulka , Calanka , Afka , Iyo magaca Somaaliyeed .

Si midnimadaa looga midha dhalinaya waa in dhan la iska dhigo wixii intaa ka hooseeya hadii laga maarmi waayana si khaas loo isticmaalo beel walba iyada dhexdeeda siduu eebaba sheegay (SWT) loo adeegsado isbarasho iyo is xidhiidhin .

WAXYAABO AY KU ANDACOODAAN ONLF IYO JAWAAB CELIN KU AADAN QODABADAA

● „Gumaystihii baa magacn ii bixiyay waa magac taariikheed oo waan ku dhaganaanayaa soomaaliduna way ku qasbanyihiin inay ila qaataan dhulka soomaaliduna waa wada „ogadenia“ shacabkuna waa inuu wada noqdo ONLF “ :

Sidaa waxaa u hadla xubno ka tirsan ONLF waxaanan u maleeyay inayba ka tirsantahay mabaadi’doda gaarka ah .
Markay sidaa leeyihiin waxay illoawsanyihiin amaba iska indha qabanayaan dhawr arimood :

❶ Gumaystuhu dhulka ma lahayn isagana lagama dhaxlin soo galayti daalim ah oo gacan ku dhiigla ah buu ahaaa markaa xaq u ma lahayn inuu dhulka magac u bixiyo haduu u bixiyana ma aha wax soconaya oo isagaaba dul saar ku ahaa dhulka .
❷ Gumaystuhu guud ahaantii wuxuu adeegsan jiray qaabka loo yaqaano “ divide and rule“ “ Kala sooc-sooc oo maamul“ oo si uu iskaga hor geeyo beelaha meel wada dagan wuxuu garab siin jiray beel kuna magacaabi jiray dhulka dana badana u fulin jiray si ay beelaha kali ula colloobaan iska hor imaadna u yimaado sidaa awgeed magacda uu bixin jiray waxay ahayd mid aanay waxba ka jirin hadafkuna yahay isku dir iyo danaysi .

❸ Shucuubta iyo ummadaha xorta ah ee caalamka ee la soo gumaystay markay xoriyadii heleen way iska rideen heeryyihii iyo raradii uu gumaystuhu dul saartay waxayna u laameen assalkoogii wayna iska qaadeen boodhadhkii iyo qoqobihii uu gumaystuhu dhex dhigay „run ahaantiina xornimada dhabta ihi waa taa “

● „Halgan adag oo daba dheer baan soo galay 30 sano ayaan duurka ku jiray sidaa awgeed soomaalidu waa inay sad buuran igu siisaaa waana inay ii wada sara kacdaa waana inay magac beeleedkayga qaadataa “

Waaa weedha kale oo ka soo yeedha kooxda ONLF ama lagaba fahmo falalkooga taa iyadna waan isku dayaynaa inaan ka jawaabno :
❶ Halganka ONLF ay waday wuxuu ahaa dhab ahaantii xasuuq beeleed aan hadafkisa la garan karin , iskadaa inay beel xoreeyaane si dadban bay u xasuuqeen beeshoodii lamana qiyaasi karo 30kaa sano beesha ogaadeenka ee aan wallaaha nahay dadka laga laayay tiro ahaan inta ay yihiin .
❷ Waxay ku andacoodaan ONLF inay yihiin jabhad soomaaliyed iyadoo xubnaha jabhada duurka ku jiray ay wada ahaayeen qoys iyo beel mida oon cid kale laga helayn ( taa waxay kaga jawaabaan soomaalidii kali basaasiin bay wada ahaayeen anaga unbaa gumaysiga diidanay ! “

❸ Halgan ku sheegaa ay ONLF waday arliga Somali state guud ahaan wuxuu u sababay burbur iyo darxumo aan la soo koobi karin wax faaiida ah oo laga dhaxlayna haba yaraatee ma jirto guul iyada warkeedba daaa .
❹ 30 kaa sano inay dhiiqo ku dhex jireen oo uu jaahwareer haystay waxaa kuu cadaynaya siday dhinac mida ugaga dhawaaqeen xabad joojin iyagoon wax wada hadal oo lala galay aanay jirin .

Gunaanadkii : ONLF fidhin loo galiyo oo halgan loo qiro iskadaaye waxaa faral ku ah oo dadnimada iyo damiirkuba uu farayaa inay raali galin u fidyaan kana cafis dalbaan soomaalida Ethiopia isbadalka ka hana qaaday degaankana ku daba faylaan oy ka qayb qaataan dhismaha iskana badalaaan magacan soomaali diidka ah .

Soomaalidu ha midawdo cadawgooguna ha jabo .

W.Q / Zakaria Saad Ahmed