Madaxwayne Mustafe Cagjar oo uu gurmaday gobolka Sool oo dal kale ku yaal Halka qayb ka mid gobolka Sitti ay canfari burburin iyo barakiciin ku hayso.

 

Ciidanka Gaarka ah ee Liyuu booliska ee dawlad deegaanka Soomaalida oo si weyn caawimo ugu qaybinaya dadkii ku barakacay Dharkayn geeyo.

Caawimadaas ayaa waxa ay qayb ka tahay gargaarkii uu soo diray Mdaxweynaha dowlada deegaanka somalida Mustafa Muxumud Cumar oo si toos ah gacanta ugu haya hawsha Maamulka ee Nabaynta ee labada Beelood .

Kornayl Shugri Jaamac Muuse,iyo hogaanka nabad galyada iyo cadaalada ee Gobolka doolo Cabdilaahi Axmed Cabdi oo iyagu howshan maamulayey

Iyo saarkiisha Ciidanka qaybohooda kaladuwan kuwaas qaybinayey gargaarka waxaana halkaas si weyn looga mahadceliyey Mdaxweynaha dowlada deegaanka somalida Mustafa Muxumud Cumar iyo guud ahaan qaybaha ay dowladu ka kooban tahay,,

Kornayl shuri jaamac Muuse oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ay adkaynayaan nabada waxana uu ugu baaqay beelaha walaaha ah in ay nabad galyada ilaaaliyaan.

Geesta kale waxay dad fara badan is waydiinaayaan sababto uu Madaxweyne Mustafe dhegaha uga fureystay shacabka Soomaaliyeed ee maamulkii Cabdi Iley sidda sharci daradda ah ugu dhaxal wareejiyeey kililka Canfarta oo kala kulmay tacadi iyo gumaad xad dhaaf ah.