Villa Soomaalia oo War Cad kasoo saaray Kulanka Madaxda Soomaalia, Itoobiya & Eritrea+SAWIRRO.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xidhiidhka Warbaahinta Madaxtooyadda Soomaalia Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay socdaal dhanka dhulka ah ku tagayaan magaalada Bahra Daar ee Waqooyi Galbeed dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku yeelan doonaan wadahadallo ku saabsan dhammeystirka heshiiska iskaashiga iyo wax wada qabsiga saddex geesoodka ah.

“Hoggaamiyeyaasha Gobolku waxa ay iska xog waraysan doonaan xaaladaha guud ee Gobolka, iyagoona si gaar ah uga wada hadli doona dhammeystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee Asmara.”ayuu yidhi Cabdinuur.

Waxaa uu sheegay in shirarkan wadatashiga ah ee ay yeelanayaan Hoggaamiyeyaashani ay ka turjumayaan ka midha-dhalinta dadaallada ku qotama horumarinta dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo xaqiijinta hiigsiyada nololeed ee shucuubta walaalaha ah.

Isbaheysiyada ka dhex sameysmay dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah oo is bedelo ka socdaan Gobolka Geeska Afrika.