Weerar Libaaxyo ku qaadeen Boqolaal Lo,da Gissiga ah oo Sabab u noqday in ay hal mar ku dhintaan (Daawo Sawirada)

Boqolaal lo’da gissi ah oo ka baxsanayay libaaxyo soo weeraay ayaa ku harqamay Wabi kuyaala xadka u dhaxeeya Wadamada Botoswana iyo Namibia.

Saraakiil katirsan dowlada Botoswana ayaa sheegay in libaaxyaddu dhinaca wabiga u eryadeen Boqolaal lo’ Gissi ah oo wada socday, waxaana lo’du mar qudha si naf la caarid ah ugu wada daateen wabiga halkaas oo ay ku dhinteen intoodi badnayn.

Nin Hotel ku leh Xadka Botoswana iyo Namibia ayaa sheegay in uu arkayay lo’da oo bad baado u gashay  wabiga balse markii dambe is buurteen sidaasna ay ugu dhamaadeen wabiga .

Lo’ gissida ku dhamaatay wabiga ayaa tiradooda lagu qiyaasay in ay ka badnaayeen afar boqol, waxaana sawirro laga soo qaaday goobtaasi muujinayeen lo’da oo dul sabeeneysa biyaha wabiga.

Dadka degan aaga lo’da ku dhamaatay ayaa bilaabay in ay yimaadaan Wabiga ayna qashaan lo’da dhimatay, waxa ayna gaadiid ku qaadanayeen dadka hilbaha lo’da wabiga ku dhamaatay.