Daawo;Sawirada iyo Magaca Xildhibaanka lagu dilay Baydhabo & Xaaladda oo faraha ka sii bexeysa.

 

Iyadoo dibad-baxyo rabshado wata ay saaka maalintii labaadka socdaan magaalada Baydhabo ayaa waxa Goordhow halkaas lagu dilay xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Koonfur galbeed.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka xildhibaankan oo magaciisa la oran jiray Cabdishakuur Buule kaasoo ka dhacay agagaarka Bankiga magaalada Baydhabo.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay xildhibaanka ay haleeshay rasaas ay fureen ciidamo halkaas ku sugnaa, iyadoo warar kalena ay sheegayaan iney ku dhacday  rasaas la is weydaarsaday.

Waxaa Baydhabo lagu daadiyey saaka ciidamo booliis ah oo la doonayey iney furaan jidadka laakin waxaa ka hor istaagay maleeshiyo beeleed taageersan Mukhtaar Roobow sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah.

Xaalada magaalada Baydhabo ayaa weli kacsan, waxaana la soo sheegaya iney jiraan dad kale oo saaka ku dhintay rabshadaha magaalada ka socda oo haatan u muuqda kuwo faraha ka sii baxaya.

Waxaa xiran dhamaan wadooyinka Magaalada iyo ganacsiga, shacabka ayaa ku xiran guryahooda, iyadoo jahwareer xoogan uu halkaas ka taaganyahay.