Mustafe Cagjar: Maxamuud Xarbigii Soomaali-galbeed Qaybtii Koowaad

 

 

Waxaa laga yaabaa in aad iswaydiiso: „Waa kuma Maxamuud Xarbi?“ Waxaa kale oo laga yaabaa in aad iswaydiiso: „Maxaa Mustafe Cagjar loogu metelay Maxamuud Xarbi u soo baxay Soomaali-galbeed?“ Waxaa kale oo laga sii yaabaa in aad is tiraahdo: „Maxaa Mustafe Cagjar loogu metelay qof magac soomaaliyeed leh oo loogu meteli waayay qof aan soomaali ahayn sida ‚Mustafe Cagjar: Mahatiirkii Soomaali-galbeed‘ ama ‚..Paul Kagaamihii Soomaali-galbeed‘ “ Waayo soomaalidu qofkeeda ma ay waynayso ee shisheeye aan waxba u ogayn baa ay waynayaan. Hadda ba qoraalkaan kooban akhri si aad su’aalahaaga jawaabo ugu hesho.

Soomaalidu qofkeeda halyeyga ah inta uu nool yahaya ma ay dhiirrigeliso, marka uu dhintona kuma ay faanto, oo dhiirrigelinta iyo ku faanka halyey soomaaliyeed waxa ay ka jecel yihiin dhiirigelinta iyo ku faanka mid dhan waliba u liita se ay ilma adeer yihiin. Taasi waxa ay keentay in toban nacas oo reerkaaga ah haddii lagu waydiiyo aad sheegi karto taariikhdoodi oo dhammaystiran se marka halyey soomaaliyeed oo qaddiyadda ummadda u istaagay lagu waydiiyo aad garan waydo. Sababtaas baa laga yaabaa in aad badankiin u garan waydaan qofka uu yahay Maxamuud Xarbi.

Maxamuud Xarbi waxa uu dhashay gugii 1921kii oo ah isla gugii uu Sayid Maxamed Cabdulle Xasan dhintay. Waxa uu ku dhashay magaalada Cali-Sabiix ee dalka Jabuuti. Xarbi waxa uu yaraantiisi bartay Qur’aanka kariimka ah iyo afka carabiga, fursad se uma uu helin waxbarashadii casriga ahayd ee reer Galbeedku dhulka keeneen.

Sannaddii 1938kii isaga oo todoba iyo toban jir ah baa aabbihii geeriyooday waxaa na laga ma maarmaan noqotay in uu kaalintii aabbihii buuxiyo oo shaqa bilaabo. Waxa uu aaday magaalada Jabuuti isaga oo shaqadii u horraysay ka bilaabay kabalyeeri kashaqeeya maqaaxi ku taalla Jabuuti. Kadib waxa uu noqday badmaax ka qaybqaatay dagaalkii labaad ee dunida isaga oo sida la sheego geeri qarka u fuulay markii markab uu saarnaa uu duqeeyay markab kale. Waxaa dalka Faransiisku guddoonsiiyay billadda loo yaqaan „Croix de Guerre“ oo la guddoonsiiyo halyeeyada dagaaka.

Xilliyadii kala duwanaa ee uu marna kabalyeeriga maqaaxida ka ahaa, marna badmaaxa ahaa, marna askariga dagaalka ku jira ahaa waxa ay qaabaysay aragtiyihiisa siyaasadeed iyo kuwiisi qawmiga ahaa. Waxa uu arkay hoggaamiyayaal iyo askar caalami ah oo mid waliba midnimada dadkiisa u dhimanayo halka dadkiisi soomaalida ahaa shan qaybood uu gumayste u kala qaybiyay. Waxa uu go’aansaday, mar ba haddii uu dhimanayo in uu u dhinto rabitaanka iyo midnimada ummaddiisa. Waxa uu go’aan ku gaaray in uu xoog iyo xeelad ba ku bixiyo sidii uu ugu adeegi lahaa ummadda soomaaliyeed ee sida gardarrada ah gumaystuhu u qaybiyay.

Waxa uu 1946kii ku soo laabtay magaalada Jabuuti isaga oo qaba aragtida „SOOMAALIWAYN“. Sida soomaalida kale isagu ma uu aqoonsanayn shan soomaaliyeed ee waxa uu aqoonsanaa in ay jiraan lix soomaaliyeed isaga oo xisaabta ku soo daraya jasiiradaha tirada badan ee ay ugu wayn tahay jasiirradda Suqadara ee dhinaca ku haysa gobolka Bari ee Soomaaliya oo ah dhul ay dawladda Yemen haysato.

Isla sannadkii 1946kii waxa uu Xarbi ka mid ahaa asaasayaashii Xisbigii Dhalinyarada ee Soomaalida iyo Canfarta ee loo aqoon jiray „Club de la jeunesse Somali et Dankali“ ururkaas oo u isu beddelay sannadkii 1947kii Xisbiga Midowga Dimuqraadiga Soomaaliyeed (Union Démocratique Somalienne).

Waxaa lagu xasuustaa in uu ahaa ninkii ugu aftahansanaa ee u hadli jiray Xisbigiisa iyo ururkii ka horreeyay ba. Waxa kale oo uu caan ku ahaa Maxamuud Xarbi ku hadalka afkiisa hooyo ee soomaaliga halka ragga la heerka ah ay qurux iyo caannimo ka raadin jireen ku hadalka afka faransiiska. Dhawrkii sano ee xisbigiisu jiray waxa uu yeeshay taageerayaal fara badan oo aan soomaali keliya ahayn se isugu jira Soomaali, Canfar iyo Yamaniyiin.

Waxa uu noqday Maxamuud Xarbi madaxwayne ku xigeenkii maamulkii gumaystaha Faransiiska sanaddii 1957kii. Sannadkii ku xigay oo ahaa 1958kii waxaa Faransiisku qabtay afti dadwayne oo loo kala codaynayay in dadka soomaaliyeed ee gumaystaha Faransiisku xoogga ku haysto ay ku biiraan walaalahooda soomaaliyeed oo la rajaynayay in ay madaxbannaani qaataan 1960kii iyo in kale. Inkastoo reer Galbeedka uu Faransiisku ka mid yahay ay ku doodaan in ay badbaadinta dimuqraadiyadda awgeed ay dagaalkii labaad ee dunida Hitleer ula dagaalameen haddana waxaa iska caddayd in ay iyagu xagga keligii talisnimada iyo musuqmaasuqa ka daran yihiin oo wixii aan dantooda ahayn dadka ku diraan oo kula diriraan. Si aftida Jabuuti lagu qabanayo ay uga soo baxdo wax uu Faransiisku raalli ka yahay soomaali fara badan baa la kala eryay oo loo diiday in ay codeeyaan. Waxaa kale oo la badiyay tirada dadka aan soomaalida ahayn ee codaynaysay. Taasi waxa ay ka xanaajisay Maxamuud Xarbi oo gebi ahaan ba ka soo horjeensaday wixii meesha ka dhacay isaga oo si cad u sheegay in waxa meesha ka dhacay uu ahaa wax aan xaq iyo xalaal toonna ahayn ee Faransiisku soo qorshaystay. 6dii bishii 10naad ee 1958kii waxa uu Maxamuud Xarbi soo qabanqaabiyay bannaanbaxyo nabadgelyo ah oo ay soomaalidu ku dalbanayaan madaxbannaanidooda iyo midnimada ummadda soomaaliyeed nasiibxumo waxa uu Faransiisku kaga jawaabay xabad isaga oo xabsiga u taxaabay Maxamuud Xarbi iyo wadaniyiin kale.

Gumaystuhu weligii waxa uu buunbuuniya ninka kabaha u sida ee danta dadkiisa ka hor mariya danta gumaystaha, se qofkii u istaaga danta dadkiisa iyo dalkiisa waxa uu gumastuhu ku dhaqaaqaa sidii uu raadkiisa u tirtiri lahaa. Maxamuud Xarbi waxa laga xayuubiyay daraja kasta oo uu haystay maadaama uu dadkiisi la saftay waxaa na laga eryay dalka isaga oo loo tarxiilay.

Intii u dhaxaysay 1950-60kii oo ahaa xilligii Soomaalidii Talyaanigu haystay ay ku jireen ismaamul hoosaad ay go’aanka arrimahooda gudaha ay iyagu lahaayeen, Muqdisho waxa ay noqotay magaalo dhammaan soomaalida laga soo dhoweeye, gaar ahaan soomaalida qabta aragtida „SOOMAALIWAYN“ ee gumaystihii Ingiriiska, Faransiiska, Itoobiyaanka iyo Keenyaanka ba naftooda kala soo baxsaday.

Bishii sideedaad ee gugii 1959kii waxa uu Maxamuud Xarbi yimid magaalada Muqdisho si uu uga qaybqaato dhaqdhaqaaqyadii qawmiga ahaa ee soomaalida. Dhaqdhaqaaqii ugu waynaa ee madaxbannaanida iyo midnimada ummadda soomaalidu waxa uu ahaa Ururkii Dhalinyarada Soomaaliyeed ee loo soo gaabin jiray SYL. Shir ay isugu yimaadeen xisbigii Maxamuud Xarbi oo meteleyay Jabuuti, xisbigii SNL oo meteleyay dhulkii soomaalida ee gumaystihii Ingiriisku haystay iyo Xisbiga SYL oo si guud ummadda soomaaliyeed u meteleyay, waxaa shirkaas lagu go’aansaday in halganka soomaaliwayn aan gudaha dalka keli ah laga wadin ee halgan caalami ah oo dunida oo dhami wada maqasho laga dhigo. Si taas loo gaaro, waxaa Maxamuud Xarbi loo doortay madaxa arrimaha dibadda ee halganka oo fadhigiisu noqonaya magalada Qaahira ee dalka Masar. Waxaa fadhiga loogu doortay magaalada Qaahira waa in Qaahira laga heli karo warbaahin ka mug wayn tii Soomaaliya taallay iyo taageero laga rajaynayay dalka Masar. Maxamuud Xarbi waxa kale oo uu xiriir la sameeyay dalalkii hantiwadaaga ahaa ee u ololayn jiray madaxbannaanida Afrikaanka.

Ilaahay ha u naxariiste waxa uu Maxamuud Xarbi bishii tobnaad ee sannadii 1961kii la qaraxday diyaarad uu saarnaa iyada oo la rumaysan yahay in sirdoonka Faransiisku ay ka danbeeyeen geeridiisa, maxaa yeelay kadib xornimadii iyo midowgii 1960kii ay ku midoobeen laba qaybood oo dalka ka mid ah waxa uu Maxamuud Xarbi sii dardargeliyay dadaallada uu beesha caalamka uga dhaadhicinayo in saddexda hartay ay madaxbannaanidooda qaataan oo la midoobaan walaalahood.

Maxamuud Xarbi sababta dhammaan jagooyinkiisi looga qaaday, sababta dalkiisi hooyo looga eryay ee dibjir iyo dibad wareeg looga dhigay, sababta naftiisi uu u waayay, waa maxaa aad dadkaaga soomaaliyeed midnimadoodi uga hadashay. Boqolaal kun oo soomaali ah baa sida Maxamuud Xarbi u dhintay, u dhaawacmay, xabsiyana u galay iyaga oo raadinaya midnimada ummadda soomaaliyeed.

Inkastoo dagaal sokeeye uu dalka ka dhacay oo dawladdayadii burburtay, haddana maanta waa aannu ka aqoon badannahay Maxamuud Xarbi iyo cid waliba oo u halgantay midnimada ummaddeena. Waa aannu ka dhaqaale badannahay ka na amni badannahay Maxamuud Xarbi iyo cid waliba oo midnimadeenna u soo halgantay. In halgankaas ceeb loo arko iyo wax ismoodsiis ah, in midnimadda ummadda lagu beddesho goonni u goosad iyo tafaraaruq, waxa ay khiyaano ku tahay aabbayaasheen iyo awoowayaasheen.

Gumayntii ummadda soomaliyeed la gumeeyay iyo kala gayntii shan qaybood loo kala geeyay waa utun iyo boog taariikhda dunida ku taal, waxaana dhayi kara qof soomaali ah oo keli ah. Dhibtii dhacday iyo fashilintii qaranka soomaaliyeed isaguna waa su’aal dunida oo dhan la waydiiyay welina taagan, waxaa na ka jawaabi doona soomaalida, duniduna waxa ay ku khasban tahay in ay sugto jawaabta la waydiiyay.

Fiiro Gaar ah:

1- Qaybta labaad waxa aan isku barbardhigi doonaa Mustafe iyo Xarbi mid waliba aragtidiisa, xaaladdii uu xilligaa ku noolaa iyo halka ay iska shabbahaan.

2- Waxa aan ka cudur daaran in Jimcihii shalay qormadii aan ku balansanayn uu qoraalkaani hakiyay se ay socoto oo aan soo qori doono.

Qalinkii: Axmed Nuur Taarwale.