Maxaadan Ogayn oo Itobiya kasocda? (Qormo Xaasaasi Ah)

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay kasocday Jaamacada Mekele University ee caasimada Tigrai kulan ay soo abaabuleen Rugcadaadii Laga reeyay ee EPRDF oo uu Hormuud uyahay Berreket Simon oo ahaa dadkii ugu tunka waynaa siyaasadii 27kii sano ee lasoodhaafay,

Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin hore,taageerayaal iyo aqoonyahan tirabadan ayaa lagu gorfeeyay xaalada guud ee dalka iyo halka ay waxmarayaan,

Kulankan ayaa umuuqday mid aydib isugu soo abaabulayaan kooxihii 4kilo kujafari jiray waxayna shaqsiyaadkii kulankan kahadlay iskuraaceen in dawlada maanta jirta aysan ahayn mid awooda inay maamusho dalka, islamarkaana loobaahanyahay in arintaas lagu baraarugo,

Barreket Simon ayaa yidhi sidan,

A. Dawlada maanta jirta way awoodi wayday inay amaanka sugto
B.dawlada maanta jirta way awoodiwayday inay dastuurka dhaqangaliso
C.dawlada maanta jirta way kufashilantay hagitaanka qoomiyadaha dalka iyadoo xuquuqahooda ladhawrayo (hadalkan ayaa u muuqday mid ku aadan Dhexyaaca oromada ee xukuumada iyo odhaahda PM Abiy ee ,,Indemer,, oo isdiidan) Tolow Barreket Yaa Ayzo leh?

Barreket ayaa intaasi raaciyay in itoobiya ay unuglaatay faragalinta dibada wuxuuna sheegay in ay marayso in IMF (haayada lacagta aduunka) ay tidhaahdo Isbadal halkaa kasameeya, Qiimaha dollarka kor uqaada, iwm iyo in Senetar maraykan ahi uuyidhaahdo Itoobiya waainay Getachew Asefa xidhaa, waxaakaluu sheegay in Asias Afworke uu faraha kulajiro siyaasada PM oo cid yax kadhahdaana aysan jirin,

*Dhankakale PM Abiy oo umuuqda mid kafogaaday saaxiibadiisii shalay tolkiina aan gacan kuhaynin ayaa kulan Deg Deg ah laqaatay Dad lagasoo uruuriyay qaybaha kaladuwan ee qoomiyada oromada oo kor udhaafaya 3kun oo qof, Walow Jowhar uusan meesha kamuuqan,, Igaarkayoow waa lais guraa,,

Kulankan oo kadhacay xarunta madaxtooyada dalka waxaa hogaaminayay PM Abiy Iyo Lemma Magarsa oo lagu tilmaamo danbiilaha wali taliya, waxaana kulankan Qoraal Fikradeedkiisa Diyaariyay Shimalis Abdisa oo ah Protocolka PM, Qoraal Fikradeeda Kulankan ayaa ahaa (Halganka oromo halkuu kasocdaa halkuuse usocdaa?) Idinka lee yaqaana,

Kulankan oo aan saxaafada loosoo bandhigin ayaa waxaa soobaxday in PM Abiy uu ku Cataabay In Toolkii Garab Istaago Dhanqaryadana Ay kadaayaan, wuxuuna tusaale usooqaatay shirkii makele oo uu sheegay in Cadawgii Oromadu ay Kujiraan abaabul islamarkaana kuhawlanyihiin qaybinta Oromada, Abiy ayaa sheegay In Cadawga Oromadu uu Kudadaalayo siduu Bulshada uga dhaadhicinlahaa in Siyaasada Qoomiyada Oromadu aysan ahayn mid Bulshada Reer itoobiya hagi karta, wuxuuna Kahadlay Colaadaha Mooyaale,Welega iyo meelakale,

Marlawaydiiyay sababta uusan ubooqanin Welega Zone wuxuu kujawaabay welega waxaa jooga kuwo aniga raba inay ikhaarajiyaan,, Tolow ma ONAG buu ujeedaa?

Kulankan ayay dulucdiisu ahayd in Qoomiyada Oromadu ay garab istaagto siyaasada baahsan baalahana karifan ee PM Abiy, Balse Suaasha meesha taala ayaa ah Oromo Isku Dan iyo Isku damaaci matahay? Ilaahaa Yaqaana!

Iskusoo wada duuboo xaalada dalka diinkaa fadhiga kuarka dantuna nabad bay kujirtaa lkn tudarana waa inaan diyaar unoqonaa!

 

SDM
Cabdiraxmaan chief Editor