Shacabka magaalooyinka;Garbo-Ciise iyo Cundhufo oo mamulkii Canfarta Xoog iska Xoreeyay.

 

Bulshada magaaloyinka Cundhufo iyo Garbo-Ciise ee galbeedka gobolka Sitti oo kamida deegaamadii sida sharcidarada ah loogu wareejiyay mamulka Canfarta, ayay shacabka deegaanku ku Guulaysteen inay iska Eryaan mamulka iyo maleeshiyadii Canfarta.

Shacabka kunool labadan magaalo ee Cundhufo iyo Garbo Ciise ayaa si midaysan waxay Laba bilood kahor ugu istaageen sidii ay dhulkooda ugu xoraysan lahaayeen maleeshiyada Canfarta, waxaana Go’aankaasi Geesinimada leh uu noqday mid ay ku Guulaysteen iyaga oo aan cid kale wax Gurmad iyo Gacan ah kahelin.

Shacabka Labada bulsho ayaa Gabi ahaan ba mamnuucay inay magalooyinkooda cag soo dhigaan shakhsiyaadka kasocda mamulka Canfarta, waxaana iskudayo dhawr ah oo ay kudhaqaaqeen mamulka Canfartu ay kudhamaadeen Fashil kadib markii shacabka deegaanku ay dagaal Toosa kala Hortageen maleeshiyadii Canfarta.

Waxayna shacabka Labadaasi magaalo diideen inay wax Gor-gortan ah kagalaan imaanshaha magaaloyinkooda mamulka doolka ah ee Canfarta, taasi oo Aakhirkii Hirgalisay Hamigii shacabka ree Garbo Ciise iyo ree Cundhufo ee ahaa inaysan kamid Noqon mamul shisheeye oo dhaxal wareejintooda u Jeeda.

Labada magaalo ee Cundhufo iyo Garbo Ciise ayaa Haatan ah kuwo iskood u madax-banaan oo aan Hoostagin mamulada Canfarta iyo Somaalida oo Horay kooxdii TPLF iyo Adeegayaashoodii Cabdi Iley Cabdixakim Cumar ay uga Jareen, balse waxaa se shacabka deegaanku ay Rajo badan kaqabaan inay dib ula midoobaan deegaankoodii Horay looga Jaray ee Soomaaliyeed waxayna maamulka cusub ee Soomaali-State ee u madaxa ka yahay Madaxweyne Mustafe iyo Aadan faarax ka filayaan in ay ka qaataan doorkii ay ku lahaayeen dhawrista iyo ilaalinta dhulka Soomaaliyee ee ay u dhaarteen.

Aucun texte alternatif disponible.

L’image contient peut-être : une personne ou plus, ciel et plein air