Is maamulkii Kililka Canfarta oo Weerar ku soo Qaaday Degmooyinki Galbeedka gobolka Sitti

Wararka tan iyo shalay naga soo gaadhi degmooyinka galbeedka gobolka ee sidda sharciga baal marsan nidaamkii dumay ee Tigreegu u hoos geeyey iska maamulka Canfarta dalka Ethiopia ayaa waxaa soo foodsaartay cadaadin iyo cabudhin Horle ka dib markay maalmihii aan ka soo gudubnay shacabka degmooyinka ay dhigaayeen dibad baxyo nabdoon oo ay ku dalbanaayaan xaqdooda Soomaalinimo kuna diidanyihiin in lagu daro dad ay isku isir ahayn.

Maamulkii Canfarta oo aan marna u ogolayn dadka Soomaaliyeed in ay ku noolaadda degmooyinka ayaa ku soo dul daabulay ciidanka loo yaqaan Liyu Booliska Canfarta oo u tababara qaabkii Liyu Booliskii Cabdi Iley ee dilka gumaadka iyo cabudhinta ku caan baxay.

Waxaa la soo warinayaa in ciidamada is maamulka canfartu ay ilaa shalay kula kacaayeen dadka raydka xadihg jidh-dil iyo barakicin aan loo meel dayin.

sababta qudha ee dadka shacabka ah loo beegsan waxay tahay in ay si qasab ah uga mid noqda is maamulka Canfarata oo ay isku dad iyo Isir toon ahayn mana jiro wax sharci ah oo dhigayaa in ummad aan isku isir ahayn la isku qasbo.

Sidda daradeed dadka ku nool degmooyinka dulman ee galbeedka gobolka Sitti marna ka gaban maayaan xaqooga wadanimo iyo Soomaalinimo, waxayna iska tuureen calanka ismaamulka canfarta oo waxay taageen Calanka Soomaali-State ,dadka reer waxay u leeyihiin halganka adgaysi iyo duqaad arrinta gobolka Sittina waxay la meel joogta maalmihii maamulkii cabdi Iley uu sii galbanaayey.

L’image contient peut-être : une personne ou plus et plein air

L’image contient peut-être : personnes debout, ciel, arbre, maison, plein air et nature

L’image contient peut-être : une personne ou plus, personnes qui marchent, foule, ciel et plein air

L’image contient peut-être : une personne ou plus et foule

L’image contient peut-être : une personne ou plus et fouleL’image contient peut-être : 1 personne, plein airL’image contient peut-être : 4 personnes, personnes souriantes, personnes deboutL’image contient peut-être : 1 personne, foule et plein air