Warar Deg-Deg ah

 

Dagaaladi ka socday galbeedka gobolka Sitti ayaa la soo warinayaan in ay is taageen ka dib markii ay ciidamada is maamulka Canfartu ku daraysteen duulaankii iyo damaci looga dan lahaa in degaanadda Soomaaliyeed si xaq daro ah loogu daro dad kale.

Iska caabin iyo gadood xoogan oo ay kala horyimaadeen dadka shacabka Soomaaliyeed ayaa sababay guul daradda soo gaadhay ciidanka is maamulka Canfarta.

Wararku waxay tibaaxayaan in dagaalku ku fiday degmooyin kale sidda magaalada Dan-Lahay oo ka tirsan degmada Afdam iyadoo maamulka canfartu ciidama xoojin ah ka soo daabulayaan dhanka magaalada Samara ee xarunta u ah canfarta.

Dadka ku waxyeeloobay dagaalkii shalay ay ku soo qaadeen Canfartu waxaa lagu sheegey 4 dhimasho ah iyo ilaa 7 dhaawac ah oo loo geystay dadka shacabka ah ilaa hada ma jirto wax gurmad iyo gargaar ah oo dadka shacabka uga yimid dhanka dawlada Fedaraalka ah ee Ethiopia iyo tan Soomaali-State ee Soomaalida.

War baahintu waxay soo heshay magacda qaar ka mid ah dadkii shacabka ah ee lagu gumaaday dhulkooga waxayna kala yihiin sidaan hoos ku xusaan;

 

 

1.Marxuun, Buux Dharaar Cabsiiye
2. Marxuun,Axmad Cawleed
3. Marxuun,Khayrre Ciye
4. Marxuun,Ina Casoowe Bildhiq.