Maleeshiyada is maamulka Canfarta ayaa mar kale dagaal culus ku soo qaaday magalada Garba-Ciise(Gadhmalu)

 

Maleeshiyada is mamulka canfarta Ethiopia ayaa Waxay saaka aroorti hore  magaalada Garba-ciise  weerar ay u adeegsadeen hub aad u culus wararka ayaa sheegaya in dagaalka culus oo u dhexeeya maleeshiyada Liyuuga Canfarta iyo shacabka deegaanka uu kasocda duleedka magaalada Garba-Ciise.

Sidda warka aanu kuhelay maleeshiyada Canfarta ayaa adeegsanaya Hub culus oo Horay ayna u Haysanin ciidamada Liyuuga Canfarta,waa markii labaad ee maleeshiyada dawlada deganka canfartu weera iyo dagaal culus la galaan dad shacab ah waxay maamlihii la soo dhaafay dagaal dad badan oo shacab ah ku dhinteen ku qaadeen magaalooyinka sidda Cnudhufo iyo Dan-lahay.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa la soo sheegey in u yahay 2 ruux oo ka mid ahaa shacabka reer Garba-Ciise, dagaalka oo maanta duhurkii is taagay ka dib markay soo fara gasheen ciimada dalka Ethiopia ee fedaraalka oo ku sugan goob aan ka fogeyn meesha uu dagaalku ku dhex maray shacabka iyo is maamulka Canfarta ee duulanka ah.

Dhamaan magaalooyinkii lagu dagaalamay waxaa gacanta si buuxda ugu hayaa dadka deganka ee Soomaaliyeed

 

Waa mid kamid ah dhalinti ku dhimatay duulaankii Is maamulka Canfartu ku soo qaaday magaalada Garbo-ciise oo hada dhintay.(AUN)

L’image contient peut-être : une personne ou plus et personnes assises

L’image contient peut-être : une personne ou plus et personnes assises