Calan Xidig Buluuga leh waxba inoo tari maayo hadaan siyaasad ahaan ujabno!.

 

Inaan been iska dhaadhicino dhaanto iyo waxaan jirina tumano kuna qaylino waan xorownay waxay ka makhraati kacaysaa bisayl la,aanta siyaasadeed ee ina haysa.

Ceeb ayay inagu tahay in laynaga dhaadhiciyo inaan inagu uun isgumaysan jiray hadana kala xorownay oo Itoobiyaba ayna waxba inayeelin,qorshahaasi Waakii Tplf inoo dagtay ee isku jabida ahaa.

Nabad jecli ma ah inan isdulayno dhulkeenii hooyana wax layna siiyay kadhigno oon Itoobiyan umahad celino.

Xoriyayatul Qowlbaan helay meeshaan Rabaan maraa hooyaday oona 10 sano arag ayaan islasoo sawiray wax umad 100 sano lagumaadayay oo gobanimo dooni ahi kufaanto ma ah.

Calankii Xidigta Buluuga ah lahaa ee 1992 lasameeyaan soo ceshanay waxba sheegi mayso hadii aan siyaasad ahaan meeshan 1994 joognay kasii hoosaysa usii socono.

Calan somalinimoo lagu faano dhulkoo lawareego oo aan qorshe iyo hadaf cad lahayn waa hoosasin cad iyo khiyaano shacab oo madaxdu kukacayso.

Xili aan khiyaanada Itoobiya iyo waxay maagantahay fahmi wayno majogno,

Rabitaanka Itoobiya tigray,Oromo,amxaro iyo dhaamaan Itoobiyanka kaloo dhan waa hal mid, waana dulaynta,xasuuqa,barakicinta,boobka hantida,iyo gumaysiga shacabka somaliyeed.

Saan rabnay inay socon waydo rabitaanka oramada iyo Itoobiyana suuyahay ufulo waa nasiib daro aad uwayn.

Waxyaalaha iga walaacin haya waxaa kamid tirtirka ciidamada somaliyeed lagu hayo iyo Qorshaha hubkii yaraa ee inagu hadhay lagu uruurin hayo si inagoo faramadhan layno qaqabto.

Saan ognahay Ciidankii liyu Booliiska ahaa wixii saraakiil ahaa jigjiga meel xero ah lagu hayaa Ciidankii caadiga ahana xerooyinbaa lagu uruuriyay waanala qabjabiyay waxaana ladoonaya inay ugu danbay kala yaacan ina laxidhxidho.

sidookale Ciidankii onlf ee intaas oo sano gumaysiga Itoobiya ladagaalamayay ayaa laleeyahay hubka dhiga oo taliye oromo ah ayaad ka amar qaadan haysaan.

Murugo intee la eg ayuu dareemaya naftii huraha 20sano qoriga siday ee reerkoodi kaligii kasoo hadhay Maantana hadii maanta hubkii laga dhigo Itoobiyan qudhmuuna taliye looga dhigo.

Ciidanka somaliyeed in saas loo ihaaneeyo dadkay difaacilahaayeena maalinba 20 ruux Oromo qalato guryahoodana gubto wanaag uma arko ee ihaano iyo dulinimo meeshii ugu xumayd ayaan u arkaa.

Nabadbaan haysanaa xorbaan nahay iyo been afka baarkiisa ah oo waliba aan qorshe cad oo dagsan lahayn ayaa somali state Kasocota,

Cabdi ilay tigraybaa nadhaafiyay waxii ay wadeen kaxuna diyaarbaan unahay waxay lamid tahay alow naarta jahanama igasaar oo jaxiima igee.

Shacabka somaliyeed inuu sidii falastiin noqdo aduunkana loogasoo qarafeeyo yaan lagu qasbin

Amxaro iyo tigray toona khatar jiritaan inaguma haynin rag dool ah oo gumaysi ah ayay ahaayeen lkn oramadu waa Dad khatar kasta inagu hayo mid dhuleed mid dhaqan iyo mid jiritaanba waana inaan taxadar badan muujino.

Kushitigbaan nahay islaamnimo aan dhuunta dhaafsanayn iyo darisnimo aan ixtiraam lahayn oo dhul boob iyo khasaare ah yaynan ku kadsoomin.

Anoo aad u ixtiraa madax jwxo iyo madaxda somali state hadana waxan arkaa inuu gaabis dhinacyo badan ah jiro gaar ahaan abaabulka guud ee bulshada iyo qeexida jidkii lagu dhaqaaqi lahaa oon ilaa hada cadayn.

Qowmiyad walba way is hubayn haysaa cid dowlada fadaraalka Itoobiya kahaybaysana majirto oo xataa Oromadii ayaaba dagaal sokeeye kadhax socdaa tigray iyo amxaro warkoda daa waxii shacab ah wala hubeeyay,
Inaguna waxaan wadnaa qorshe aan Itoobiya waxaan haynoo dhan ugu wareejin hayno.

Ciidanka liyu policeka oo ah ciidan hada abiye Ahmed toos uga amar qaata saraakiishiisiina jigjiga kuxaraysanyihiin in hada saas loola dhaqmo ma ah waxay dilikareen wayso dileen waxaa lajooga xiligii maskax caafimaad qabta lagu shubi lahaa niyadana loodhisi lahaa.

Ciidankaaga xadka kaqaad xeryana kuxaree kaygana goobaha laysku haysto ayaan keeni wayna kuxasuuqi ciidan cusubna waan tababaran waa sheekada Oromo inaga dhaadhicisay een sida biyaha ucabnay waana Jid aad uxun una baahan in laga fiirsado.

Itoobiya socotaan ogayn ma ah waamaxay aaminaada heerkaa gaadhay iyo isdhigashada intaa la eg?

Mawaxaan rabnaa inan sidii 1994tii markale duurka uyaacno.

Itoobiya maanta ayay ugu tabar yartahay maanta hadaan waxwalba haye dhahno soo mardhow sidii malez zanawi Markay Itoobiya kala dagto xoog inoo adeegsan maayo?

Shacabku maanta siqiir iyo kabiir waa diyaar xaqiisana isagaa soo dhacsan lkn madax iyo Dad qorshe usameeya ayay ubaahanyihiin

Itoobiya waa Doofaar madaahiro aaminaad maleh eeyaan macasha lahoos dhigan 100-ka milyan.ee.itoobiya kuhoos nool qowmiyada khasaaraha ugu badan soogadhay waliba kacdoonkii Itoobiya dhiigoodii lagusii xalaashaday ayaan nahay

Dadka ugu diyaar garowga xun ee kala jeed jeeda ayaa nahay dadka dhulkooda iyo khayraadkooda lagu Xisaabtami ee hadana hurdaan nahay.

Shirwayne somaliyeed oo siyaasiyiinta aqoonyahanka waxgaradka ugaasyada iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada isoogu timaado hala qabto Road map cusubna hala jeexdo.

Ugu danbayn Somaliyey Ama tashada oo sida Shucuubta Itoobiya ufikirayso uguyaraan ufikira waxay Oromo diidayna hayeelina ama waxa Lemma Megersa iyo jawaar Mohamed sooyeedhiyaan oo waliba ina shide waxkusii darsaday fuliya ilaa laydinkaba waayo meelaad kudanbayseen.

Waa inoo Midnimo iyo iskutashi 2019 insha allah