Saciid Deni oo loo doortay madaxweynaha Maamulka Puntland.

 

 

 Kadib doorasho saacado socotay oo ka dhacday magaalada Garowe, ee xarunta maamulka waxaa lagu dhawaaqay natiijada kama dambaysta ah ee doorashada madaxweynaha maamulka Puntland.

Doorashadan ayaa la isla gaadhay wareega seddexaad ee doorashada waxaana ku  tartamay Saciid Cabdullaahi Deni  iyo Generaal Asad Cusmaan Cabdullaahi.

Labada Musharax ayaa kala helay Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 35 cod iyo Generaal Asad Cusmaan Cabdullaahi oo helay 31 cod.

Sidaas ayaa waxaa lagu shaaciyay in Saciid Cabdullaahi Deni uu yahay madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland shanta sanno ee soo socoto.

Doorashada oo ay ku tartamayeen 21 Musharax ayaa waxaa kusoo baxay Saciid Cabdullaahi Deni oo kamid ahaa musharixiinta loogu hadal heynta badnaa doorashada.