Saraakiil lagu soo tababaray dalka Turkiga oo dib ugu soo laabtay dalka (Daawo Sawirro)

Ku dhowaad boqol saraakiil iyo saraakiil ku xigeeno dalka Turkiga lagu soo tababaray ayaa Muqdisho dib ugu soo laabtay maanta.

Saraakiishan oo la socday dayuurad gaar ah oo ay leeyihiin milateriga Turkiga ayaa waxaa garoonka Aadan cadde ku soo dhoweeyey Wasiirka gaashaandhiga Soomaalia iyo masuuliyiin kale.

Waxaa naga go’an dib-u-dhiska ciidamada qalabka sidda ee Soomaalia, waxaana u mahadcelinayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Raisal Wasaare kheyre sidda Wasaaradda gaashaandhigga iyo Taliska Xoogga ay ugu garab taagan yihiin dib-u-dhiska Ciidan Soomaaliyeed oo awood leh siddii dalka uu u yeelan lahaa” ayuu yidhi wasiirka Gaashaandhiga Soomaalia.

Dowlada Turkiga saaxiib dhow la ah dalka iyo ummadda Soomaalia ayaa siddoo kale duleedka Muqdisho ku leh saldhig milateri oo lagu tababaro ciidamada dowlada Soomaalia.