Ciidamada Cirka Itoobiya oo Duqayn culus u Gaystay saldhigyada Jabhada OLF.

 

Warar lagu baahiyay warbaahinta maxaliga ah ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada Cirka Itoobiya ay Duqaymo culus ka gaysteen deegaamo kamida Galbeedka maamulka Oromada.

Goobaha ciidamada cirka oo adeegsanaya diyaaradaha Bambooyinka culus xambaara ay duqeeyeen ayaa waxaa kamida Gobolka Wollega oo Todobaadyadii Lasoo dhaafay dagaal Khadhaadhi kudhex marayeen ciidanka Jabhada OLF iyo kuwa milateriga Itoobiya.

Sidda lagu baahiyay Shabakada wararka Addisstandard ciidamada Cirku waxay duqaymo xoogan kaf uliyeen Labadii Galin ee maalinimadii shalay, saldhigyo ciidan oo Jabhadu kuleedahay degmada Qellem iyo deegaamada ku xeeran waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu Jira oo aan ilaa iyo Hada Lahubin ama la xaqiijin karayn.

Ciidamada Jabhada Hubaysan ee OLF oo ku xoogan Gobolka Wollega iyo Gobolada Galbeed ee Oromada ayaa laxaqiijiyay inay iska caabiyeen weerarka ciidamada cirku Labeegsadeen saldhigyadooda, waxayna ciidanka Jabhadu Taageero buuxda ka helayaan shacabka deegaanka taasi oo keentay in dagaalku marba marka kadambaysa sii xoogaysto.

Degmada Qellem ee ciidamadu Duqaynta kagaysteen ayay maleeshiyo katirsan Jabhada OLF maalin kahor kudhaceen Laba Bangi oo kuyaalay, sidoo kale waxay ciidamada Jabhadu dhaceen oo wixii Hub Yaalay Gurteen saldhig ciidanka Liyuu Haylka Oromadu kulahaayeen degmadaasi.

Weeraradani ciidamada cirka Itoobiya kuqaadeen Jabhada OLF ayaysan wax war ah kasoo saarin Labada dhinac ee dirirtu u dhaxaysa waa Jabhada OLF iyo xukuumada Ra’iisal wasare Abiy Ahmed oo u muuqata inay u Tabar iyo Taag la’dahay ciidanka Jabhada OLF dabayaaqada sannadkii tagay ay Heshiis ku kala saxiixdeen magaalada Asmara.