Is maamulkii Kililka Canfarta ayaa weeraro dheeraad ah ku haya dadkii shacabki reer Sitti.

Ciidamadda Liyuu Booliska is maamulka Kililka Canfarta ayaa saaka ilaa maanta duhurkii ku hayaa weeraro is daba joog ah magaalada Cadaytu ee ku taal galbeedka fog ee dhulka Soomaali galbeed,goobta weraradda lagu soo qaaday waxaa ku sugan ciidamadda xooga dalka Itoobiya ee fedaraalka lagu sheego mana jirto wax ay ka qabteen weeraradda lala beegsan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Wararku waxay sheegayaan in shacabku ay difaac adag ugu jiraan iska caabina kala hor tageen wali ilaa hada lama soo sheegin wax khasaar ah oo soo gaadhay shacabka reer Cadaytu ee weerarada qaawan la gu hayo marka laga reerbo laba wiil oo dhaawac fudud ah dagaalkuna wuu socdda ilaa hada oo ma joogsan.

Wixii ku soo kordha dagaal waan idinla socodsiin doona haddi Alla idmo.