Khilaaf soo gala dhex galay Madaxda dowlad degaanka Soomaali State iyo mas’uuliyiin la xidhay.

 

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomali State ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in Khilaaf xoogan  soo kala dhex galay Madaxweynaha dowlad degaanka Mustafe Maxamed Cagjar iyo Gudoomiyaha Xisbiga talladda dowlad degaanka haya Axmed Shide ahna Wasiirka Maaliyadda dalka Itoobiya.

Khilaafkaan ayaa ka dhashay qaabka lagu waddo in loo qabto kulanka guud ee xisbiga iyo dadka lagu waddo in ay kasoo qeyb galaan, islamarkaana isbedel lagu sameeyo hanaanka xisbigga, Maadaama uu wali ku dhisan yahay habkii Cabdi Maxamuud Cumar(Cabdi Iley)

Qaar ka mid ah Waxgaradka dowlad degaanka ayaa ku howlan xalinta Khilaaf, maadaama maamulku uu yahay mid dhawaan uu ku dhacay Isbedel guud uuna xidhan yahay Madaxweynihii dowlad degaanka Cabdi Maxamuud Cumar.

Dhanka kale Cabdulahi Itoobiya oo horay u ahaan jiray Madaxweyne Kuxigeen ayaa Jigjiga lagu xidhay, waxaa loo heystaa in uu ka qeyb ka ahaa falal ka baxsan Xuquuqda Aadanaha oo ka dhacay dowlad degaanka intii uu ahaa Madaxweyne ku xigeenka.

Dadka odorosa siyaasadda Soomaali State waxay sheeganyan in khilaafkan uu salka ku hayo loolaanka doorashooyinka la qaban doona hal sanno iyo badh ka dib oo haddaba ka dhex bilowdda maamulka Soomaali State.