Xubin firfircoon oo ka tirsan barbaarta Sitti oo maanta cadaytu lagu Xidhay.

Waxay maanta Ciidamada Fedaraalka  dawlada Itoobiya ee loo yaqaaan makakaliyaha ka qafaasheen magaalada Cadaytu Halgama Osman Mire oo ka tirsan dhalinta ugu firficoon ee barbaarta Sitti,wali lama oga sababta rasmiga ah ee lagu xidhay Osman Mire waxaase loo  malayn in ay qayb ka tahay talaabooyinka lagu hal-dhabaalaysan hormoodka dhalinta xaq u dirirka ah.

Xadhigga iyo qafaalashadda loo geystay Osman Mire waxay barbaarta reer Sitti xasuusin nidamkii ay taladda dalka ka tuureen ee Cabdi Iley oo wali la moodo in dalka qaybo ka mid ah  looga dhaqmo ficiladiisi foosha xuma.