Warbixin Guud oo Rasmiya xiisada xadhgaha Goosatay ee DDS kataagan.

 

Xiisad siyasadeedka Xadhgaha Goosatay ee kataagan dawlad deegaanka Somaalida ayay aad u adag tahay in xog buuxda oo rasmiya laga helo maadama ayna dawlada degaanka iyo xukumada dhaxe ka hadal.

Waxaa jira xogo tilmaamaya in xiisadu ka dhalatay xubno kamid ah ah dawlada dhaxe ama xisbiga talada haya oo soo fargaliyay shaqada dawlada, gaar ahaan madaxweynaha oo doonaya in isbadal mug leh lagu sameeyo xisbiga islamarkaana sharciga la hor keeno dad lagu tuhmayo danbiyo oo ka tirsanaa maamulkii hore.

Warbaahinta ESAT ayaa sheegtay inay heshay xogo tilmaamaya in madax hore uga tirsanayd maamulkii hore ee madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ay majo-xabinayaan xukuumada madaxwene Mustafa Cumar.

Warbixinta ayaa sheegaysa in lacago tiro badan gobolka lasoo galiyay si loo abuuro qas iyo amaandaro, Madixii hore ee Liyu booliska, Cabdiraxmaan Laba Go’le, ayaa la sheegay inuu hormood ka yahay Olollaha la doonayo in lagu rido xukuumada Mustafa.

Warbixinta ESAT ayaa lagu tilmaamay in saraakiil dawladii hore ka tirsanaa oo ku sugan Turkiga islamarkaana xidhiidh la leh kuwo gudaha jooga ay lid ku yihiin isbadalka gobolka.

Xiisada siyasadeed ayaa dhalisay guux dhanka baraha bulshada ah oo ku baaqaya inaan gobolka dib loogu celin xiligii mugdiga ahaa.

Fariimaha baraha bulshada ayaa badankoodu taageero u muujiyay madaxwene Mustafa Cumar iyaga oo dhanka kalana ku eedeeyay gudoomiyaha xisbiga iyo dawlada dhaxe in hadhaagii xukuumadii hore ama wax ay ugu yeedheen ‘Heego’ dib loo soo celinayo iyaga natiijada arrintaas ka digay.

Madaxweynaha DDS, Mustafa Cumar ayaa kulamo dhowr ah ilaa shalay la qaatay masuulyiin dawlada dhaxe iyo EPRDF ah.

Waxaa jira xogo sheegaya in la isku maan-dhaafay sida uu isbadalku gobolka uga hirgalay, gaar ahaan waxaa laga yeelayo dadka danbiga lagu tuhmayo iyo isbadalka xisbiga lagu samaynayo.

Madaxweynaha ayaa ku adkaystay in isbadal dhab ah laga hirgaliyo gobolka, halka xubno EPRDF ahi soo jeediyeen in xukuumada gobolka lagu sameeyo qiimayn.

Dadweynaha gobolka ayaa la yaaban sababta xukuumada degaanka iyo madaxdeeda looga garba-doobayo inay ku dhaqaqaan isbadalka loo baahan yahay, gaar ahaan in talaabo laga qaado dadka la tuhmayo iyo in xisbiga la nadiifiyo. Waxaa kale oo ay weydiimo badan ka jiraan sababta dhismaha xisbigu u jiitantay.

Xiisadan ayaa ku soo aaday xilli raisulwsaare Abiy dalka ka maqan yahay iyo iyada oo shaqaaqoyin hor leh laga soo sheegay Dirdhabe.

Jawar Maxamad oo u ololleya danaha dadka Oromada ayaa maanta bartiisa Facebook ku sheegay in wax uu ugu yeedhay Heego qalaase hor leh ka wado Dirdhabe iyo Jigjiga, balse faafahin dheeraad ah kamuuna bixin.

Waxa ay dad badan la fajaceen waxa hadda keenay in siyaasintii xukuumadihii hore gudaha iyo dibadaba iska abaabulan oo ay halis ku noqdaan xukuumada curdanka ah ee Jigjiga xilli lasoo gunaanday shirar xisbiga degaanku xubnihiisa ku wacyi galinayay.

Dad badan ayaa sheegay in dawlada lagu dhaliilo karo iimaheeda si loo toosiyo, balse waxa ay kasoo hor jeedsadeen in si qaawan loo faragaliyo ama xukuumada dhaxe u yeedhiso. Waxayse ka amakaageen in xubnihii hore xisbiga loo qayshado si xukuumada hadda jirta loo af gambiyo.

Maamulka Soomalida ayaa kamid ah gobolada ugu xasiloon dalka iyada oo dhowrkii bilood ee la soo gudbay laga dareemay nabad iyo furfurnaan siyasadeed, laakiin xiisada siyasadeed ee cusub ayaa abuuri karta qas siyasadeed ama mid amaan-darro.

Madaxwene Mustafa Cumar ayaa Makhrabinimadii shalay la shiray Golahiisa wasiirada iyo taliyaasha ciidamada amaanka laakiin waxaa adag in xog laga helo waxaa shirarkaas kasoo baxay.

Waxaa iyadana la xiqiijanaya xidhiidh dhax maray qaar kamid ah madaaxda dhaqanka oo ay kaga arrinsanayaan xaalada cusub.

Waxa ay u badan tahay in maalmaha soo socda la kala ogaado heerka faragalinta xukuumada dhaxe ee xaalda degaanku iyo saamaynteeda iyada oo cid walba sugayso talaabada xigta ee la qaadi doono.

Bye: Abdul Hirad