Kolonyo ka socday ciidamadda dawlada Jabuuti oo wadada loo galay deegaan ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Wararka ka imanaya gobolka Sh/dhexe gaar ahaan degmada Mahaday ayaa sheegaya in dagaal xoog leh uu ka socda meel ku dhow deegaanka Fiidow oo qiyaastii 50km ka xigta degmada Jowhar iyadoo dagaalkaana uu dhex marayo ciidamada AMISOM gaar ahaan ciidamada dalka Jabuuti iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Dhowaaqa hubka culus ee la isku ridayo ayaa waxaa laga maqlayaa deegaano ka fogfog halka uu dagaalka ka soconayo oo la sheegay in ay ciidamada AMISOM oo ku sii jeeda degmada Jalalaqsi wadada loo galay.

Ciidamada Jabuti oo saldhigoodu yahay degmada Jalalaqsi ayaa saaka soo gaaadhay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar iyadoo ay ahayd markii ugu horeysay ee ciidamadaas soo galaan deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Wixii ku soo kordha dagaalkan kala soco XeerNews24.com