Mustaqbalaka Siyassadeed ee DDSI

 

 

Jawiga siyaasadeed ee deegaanka ayaa bilihii ugu danbeeyay ahaa mid aan wax saadlin ah laga bixin karin islamarkaana noqday mid jahawareer ku riday bulshada qaybaheeda kala duwan su’aala badana la iska waydiinayay mustaqbalka siyaasadeed waxa uu ku danbayn doono.

Jahawareerkaa siyaasadeed waxaa aasaas u ahaa iyada ooy is hayeen labada dhinac ee dawlada kamid ah oo kala ah garabka isbadal doonka oo uu hormood u yahay madaxwayane Mustafe mux cumar, halka garabka kale ee ah hadhaagii xukuumadii dhiig miiratada ahayd uu horkacayay Axmed Shidde.

Khilaafka siyaasadeed ee labada garab isku hayeen ayaa ahaa mid la xidhiidha mustaqbalka deegaanka iyo geedi socdka siyaasadeed ee mustaqbalka kaas oo garabka isbadal doonku uu rabay in deegaanka Soomaalidu uu noqdo deegaan xor ah oo arimahiisa siyaasadeed xor u ah oo ku salaysan rabitaanka shacab waynaha shacbaka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanka halka garabka Heego ay rabeen in aynu sidii caadada ahayd dumaal u ahaano TPLF ama OPD siyaasada deegaankuna noqoto mid ay ka arimiyaan siyaasiyiin kasoo jeedda deegaanada kale ee dalka. Hadaba maalmahaan soo dhaafnay ayaa waxaa soo shaac baxay inay jiraan qorshayaal qarsoonaa oo ay ka wada socdeen Xubanaha Heego ee hormuudka u yahay Axmed shidde oo garbsanaaya xubno kamid ah EPRDF gaar ahaan OPD. Qorshayaashaas qarsoonaa oo la rabay in Madaxwayne Mustafe lagaga xayuubiyo xilka ayaa waxay noqdeen kuwo uu ka dhiidhiyo madaxwayne mustafe islamrkaana gaashaanka u daruuray. Go’aanka madaxwayne mustafo oo ah mid geesinimo leh ayaa waxuu horseeday in bulsha waynta Soomaalida ee deegaanku inay ka dhiidhiyaan islamarkàana ay garab istaagaan Madaxwaynahooda. Arintan ayaa waxay noqotay mid guud ahaanba saamaysa siyaasada guud ee wadanka islamrkaana noqotay ajande ay warbaahinta iyo baraha bulshada lagaga hadlo iyada oo abuurtay midnimada dadka Soomaalida ah meel kasta ooy ku noolyihiin. Arintan ayaa ah mid la xidhiidha jiritaanka Soomaaliyeed.

Hadaba, mustaqbalka siyaasadeed ee deegaanka oo 27dii sanno een soo dhaafnay ku jiray mugdi ayaa waxuu noqday mid cad oo qeexan isla markaana wax madmadow ihi ku jirin. Mustaqbalka siyaasadeed ee deegaanka ayaa waxaan ku soo koobayaa qodobadan hoos ku xusan
1. Siyaasada mustaqbal ee deegaanka ayaa noqon mid ku salaysan Soomaalinimo iyo jiritaanka bulshada Soomaaliyeed ee deegaanka
2. Deegaanka ayaa hadda waxii ka danbeeya noqon doonin mid aan siyaasad ahaan ku tiirsanayn ururada TPLF iyo OPD balse aayahiisa ka tashada
3. Deegaanka ayaa noqon doona mid raadsada xaquuqaha kaga maqan dawlada fadaraalka een hadda ka hor laga hadli jirin
4. Deegaanka ayaa noqon doona mid aan bulshadiisa lagu shanbadayn waxyaabihii hada ka hor soo jiray sidda hebel waa Alitixaad iyo waa ONLF
Ugu danbayn waxaan leeyahay mustaqbalka siyaasadeed ee deegaanku waa in uu noqdo mid ku salaysan jiritaanka bulshada deegaanka iyo midnimo, haddii taas la helo waxaan qabaa in mistaqbalka deegaanku noqon doono mid tajadiisu fiicantahay.

Fakal Xaaji