Mareykanka oo Wado Casri ah ka dhisaya inta u dhaxeysa Shabellaha hoose & Saldhiga uu ku leeyahay Jabuuti.

Waaxda Difaaca dawlada Maraykanka ayaa la sheegay inay wadaan wejiga koowaad Mashruuc ay ku horumarinayo waddo-dhulka mari doonta  oo ay Sahayda u soo maraan  oo isku xidha Saldhigooda weyn ee ku yaalla dalka Jabuuti iyo Saldhigyadda kale ee ay Milliteriga Maraykanka ku leeyihiin Dalalka Bariga Afrika.

Saraakiisha Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka iyo Qandaraaslayaasha ayaa sheegay in Wejiga Koowaad ee Mashruucaasiisku xidhi doono Xeradda CAMP  LEMONNIER ee dalka Jabuuti ilaa Saldhigga Diyaaradaha Balli-doogle ee Gobalka Sh/hoose ee dalka Soomaalia.

Qorshaha Mashruucaasi ayaa la sheegay in waddo la soo dhex marsiinayo Deegaanadda ay kala maamulaan DFS, Alshabaab iyo Dagaal-oogayaasha leh Maleeshiyadda Gaarka iyo dhulka xuduudka ee kaabiga ku haya dalka Ethiopia, ayaa lagu yidhi hadalka ka soo baxay Waaxda Difaaca ee dalka Maraykanka.

Mashruucan Joogitanka Milliteriga Maraykanka ee Gobalkan Geeska Afrika ayaa u muuqda mid qeyb ka ah isballaadhinta uu Maraykanka kaga hor tagayaan inay Shiinihu kaga saamayn badnaadaan dalalka Mandiqadda iyo guud ahaan Galaangalkooda guud ee Qaaradda Afrika.

Si kastaba ha ahaate,  Kolonyadda Milliteriga Maraykanka iyo saaxiibadooda ka hawl-gala Soomaalia  waxay hada iyo jeer maraan dhul ay khatartiisu sarreyso, iyadoo ay Alshabaab kala kulmaan weeraro, jid-gal iyo qaraxyo ay la beegsadaan Kolonyadda Ciiddamadda Shisheeyaha iyo kuwa DFS ee isticmaala Deegaanadda ay Alshabaab maamulaan.

Si kastaba ha ahaatee, marka ay Ciiddamadaasi doonayaan inay ka ambabaxaan Muqdisho waxay raacaan gaadiidka gaashaaman, xitaa haddii ay doonayaan Deegaano aad u dhow.

Milliteriga Maraykanka ee ku sugan Muqdisho waxay had iyo jeer Diyaarado Helikoptar ah ku tagaan Saldhigga Balli-doogle oo 60 mayl u jirta Graoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho.