Xagee ku Danbeeyay khilaaf u dhexeeyey MW Mustafe Cagjar iyo Gudoomiye Ahmed Ahmed Shide?

 

Indhawayd Waxaa aad loo hadal hayey khilaaf u dhexeeyey MW Mustafe Cagjar iyo Gudoomiye Ahmed Ahmed Shide.

Nin kaste wuxuu isticmaalayey hubkiisii ugu cuslaa ee uu haystay ama heli karay.

Ahmed Shide wuxuu isticmaalay dad horay xilal uga soo qabtay deeganka iyo xubno xisbiga talada haya ka mid ah oo nidaamka Mustafe uu fogeeyey.

Wuxuu kaloo isticmaalay qaybo ka mid ah hay’adaha Federlaka ah oo uu Shide ka mid yahay.

Mustafe Omer wuxuu kiciyey shacabkii deegaanka oo uu u sheegay in lagu soo duulay lana doonayo in dawladnimada deegaanka duulimaad lagu yahay.

Wuxuu si xoog leh u sameeyey abaabul shacab isagoo sameeyey kooxo aad ugu tababaran isticmaalka aaladaha Social media ha khaasatan Aalada Facebook ga.

Waxaa halkaas ka dhacay aflagaado badan oo loo marinayey ninka ay is hayaan iyo taageerayaashiisa. Hubka ugu culus ee ay haysteen wuxuu ahaa heego ayaa na soo weerartay iyo waa Heego.

Wuxuu kaloo Mustafe adeegsaday Odoyaaaha dhaqanka ah isagoo odoyaasha soo fadhiisiiyey TVyada SRTV iyo HCTV oo xidhiidh dhaw la leh xukuumada mustafe.

Waxaa kaloo taageero badan u muujiyey Mustafe wiilka sanadahan Caanka ka noqday baraha bulshada Ethiopia isticmaasho Jawar Mohammed oo si aan gabasho lahayn u garab istaagay.

Waxaa dhawr jeer la isku dayey in waan waan la kala dhex dhigo masuuliyiinta ishayey lkn laguma guulaysan.

Intay waxaas oo dhan dhacayaan Raisulwasarha Ethiopia waa uu ka maqnaa dalka oo safar dibada ah ayuu jiray.

Rairulwasre Abiye shalay ayuu ku soo laabtay dalka isugu yeedhay wiilashii loo caal waayey  ee midiyaha isu soofaysanayey.

Inta waxaas oo dhan dhacayaan Waxaa dhibaato aad u baaxad wayn lagu hayaa shacabka Soomaaliyeed ee Reer Diredawa oo qoomiyiyada Orimada iyo Amxaarku barakicin iyo xasuuq ay ku haysaa Ilaa hadana ayna cidi ka hadal.

Abiye oo u qaab ekaa actor filimada jila oo aad u malayso wuxuba in ay u sii diyaarsanaayeen ayaa intuu labada gacmood qabtay soo hor istaajiyey camerada iyagoo qoslaya iskuna faraxsan  siddi hogaamiyaashi magaalada Xamar iyo Generaal Gabree Alloow ceeb ha noo dilin.

Inkastoo Abiye inoo keenay labadaba soow kama fiicnayn in ay iyagu isla dhiil gareeyaan waxna ku heshiiyaan ileen way ogyihiinoo wiilashii shaqaaleesiiyey baa ka dambeeyoo go’aanka oogu dambeeya lehe?

Arinta kale ee cajiibka ahayd Waxaa weeye gacma isusaarida juuqla’aaneed ka dib warbaahinta heer federal aad bay u tabisay marnaba maysan wasiir Ahmed Shide ku xusin in uu yahay wasiirka maaliyada Dawlada federalka ah.

Hadal iyo dhamaantii sharaftii soomaaliyeed ceel dheer bay ku dhacday waxaase biyo kama dhibcaan ah in loo baahan yahay in la badbaadiyo dalka iyo dadkaba.

Qore;       Asad sayid Dhuux