Waa Maansadii;Hadmaan Dhoohnaan ka bixi.

 

 

 

-Dunida Waa Dhoohaniyo
-Nin buur Dhabarkiisa tahay
-Amaba Sharci loo Dhanyahay
-Cid uu u Dhexeeyo oo
-Dhamaanba ammaan kuhelay
-Hadana waa duni Dhannayn
-Dhankaan kaga nooleheen
-Abid ba Ku Dhaqnaani jiray
-Dhibaato qorshaysan baan
-Dhulkayga ka seexan karin

-Dhulkayga ma sheegan karo
-Dhexdooda hadaan marana
-Dhabtii halis baan galaa
-Dharaar iyo waa baryana
-Dhashaydu ma seexatoo
-Dhaqaaqa Nikii da’awayn
-Dharbaaxa lagu nabaa
-Dhalinta Soo jeedo iyo
-Wixii Dhibta diidi karo
-Dhamaan waa lagu tuntaa
-Butaa jeel loo Dhigaa
-Sidii Dhagax loo tumaa

-Siyaasi Dhaqaaqi leh iyo
-Ma arko ruux Dhabar ahoo
-Dadkaygan dhammaani iyo
-Ka Doodo wixii Dhib jiro
-Walise Dhawr aan badnayn
-Iyaa jiro oo Dhib neceb
-Bulshana u Dhawaaqi karin
-Dhankoogana taahu dilay

-Hadana waan Dhoohanahay
-Markay nabad ii Dhantahay
-Dhexdaydaan hadaw shidaa
-Qabyaalad Dhamaad lahayn
-Waxaan Dhuuxa qadhmuun
-Midkii Ani ila Dhashaan
-Qalbiga Dhamac ugu ridaa
-U diidaa Dheef la hayn

-Dharbaaxo shisheeye iyo
-Markay Dhib itaabatana
-Sidii ruux Dheelmadoo
-Dharaaro aduunka jirin
-Iyaan Dhaayaha furaa
-Dhafoorka intoon qabsado
-Iyaan Dhintayeey idhaa
-Difaacis Dhankeega daa
-Dhaqaale iskaashi iyo
-Waxaan dhaawaca uhuro
-Inaan meel sii Dhigtana
-Dhaqaaqiisa ba ma galo

-Sharciga Dhegta mooyinee
-Dhulkaygaba kama jiroo
-Dhurwaaga la sheegayee
-Dharaartii kayn galka ah
-Sidiisaa Dhinacyo badan
-Dhammaan la ibeegsadaa
-Waxaan ka Dhaqaaqi karin
-Dad aan Dhabta saartay oon
-Is idhi way kula Dhaqmeen
-Hadana i Dharbaaxi oo
-Dhankoogana Ciidan iyo
-Cududba loo wala Dhanyahay

-Ma ihi Dad Dhammaani oo
-Dhibaato ka maagayee
-Dhabtaan kaba weecan karin
-Suaalahan Dhaawaca leh
-Marnaba aan iga dhammaan
-Iyaa Maankayga Dhibay
-Hadaan sii kala Dhigana

-Dhammaan Soomaalidii
-Dhalaal badan Diridhabiyo
-Waxay Sitti Dheeman tidhi
-Hadmaan Dhoohnaan ka bixi ?
-Sharciga goormaan Dhadhamin?
-Amaba kaba Dhaaran oon
-Noqoni Midnimo Dhabar ahoo
-Marnaba loosoo Dhawaan ?

Abwaan, Nageeye Laba’Doon
Isiinin 28/01/2019 .