Reer Sitti Maxay ku xasuusan doonaan-Cabdi Xakim cumar Cigaal?

-Sidaan marar horaba soo sheegnay Cabdi-xakim Cumar Cigaal waa masuulkii ugu nasiibka badnaa uguna da, yaraa ee taarrikhda siyaasiyiinta beesha ciise ee dal waynaha Ethiopia soo mara sababto ah wuxuu wakhtigu beegey mar la odhan karo waxaa ka jiray dalka Ethiopia wax aan horay looga baran oo ah waxooga nabad galyo iyo madax banaani ah oo marka la barbar dhigo wixii looga bartay dawladdihi ka soo talin jiray Ethiopia.

Waxaa degmooyinka Soomaalida Ethiopia qaarkood ka jira horumar qayba kala duwan leh,oo ay ugu muhiimsan tahay wax barasho biloow fiican ah,dayeel caafimaad oo wax la,aanti hora dhaama,waxaa kalo jiray war baahin ku hadasha afka hooyo ee Soomaaliga,oo maqal,muuqaal,iyo qoraalba leh waxaa intaa dheer oo jirtay madax Soomaali ah oo deganka u dhalatay oo sidii ay dawlad calan leh yihiin aduunka u kala goosha kana socda dawlad deganka Soomaalida Ethiopia iyagoo isku arka in ay yihiin madax Soomaaliyeed oo Ethiopian ah oo ka madax banaan Magaalada Addis abeba dalka,degaankooga iyo Soomaalida Ethiopiana u adeegga amuurahaas iyo qaar kaloo badan waa nasiibka uu la kulmay cabdi-xakim ee ay isaga horti haysan raggi ka horeeyey.

Waxaa kaloo Cabdi-xakim u nasiib iyo Ayaan u yeeshay in gobolka Sitti ee u dhashay yahay gobolka dhulka Soomaalida Ethiopia dhamaanti ugu nabad galyo iyo daganaasho fiican uguna muhiimad weyn horumarka Ethiopia ay hiigsan qarniyada soo socda beesha u ka dhashay ee ciisana tahay beesha aan lagu aqoon ama lahayn dhaqdhaqaqyo iyo jabhado hubaysan oo lidi ku ah jiri taanka iyo horumarka dalka Ethiopia.
Nasiib wanaaga Cabdi-Xakim illaahay ku manaystay waxaa ugu wayn oo siyaasiyinti ka horeesay ee ciise ay helin waa beesha ciise oo leh hoggaan dhaqmeed jirid adag (Ugaas Mostaphe Ugaas Roobleh Ugaas Wacays iyo Gande Roobleh) oo gobolka iyo dalka Ethiopiaba si wayn looga ciseeyo taas oo keentay in ay beesha ciise xaga dhaqanka iyo xeerka yeelato isku duubnaasho ay Soomaalida kali weyd ka tahay arrintaas oo cabdi-xakim u sahli kartay habsami u hoggaaminta siyaasada gobolka Sitti iyo tan beesha ciise haddu karti iyo xirfaddeeda la iman lahaa aqoon iyo xeeladna u yeelan lahaa sida loogu caano liso ummada u magaceega ku naaxay ee reer Sitti.

Cabdi-Xakim goorma jagadan magac u yaalka ah loo dhiibay?

-Cabdi-xakim inti xilkan loo dhiibin wuxuu gudoomiye ka ahaa magaalada Godey wuxuu Cabdi Iley calmaday oo u xilkan madaweyne ku xiggeennimo u dhiibey ka dib markay beesha ciise iyo Cabdi Iley isku dhaceen ayna dhex martay arrin xasaasi ahayd waxay ahayd morankii iyo saluugii ay beesha ciise kala hor timid 19-kii degmo oo u Cabdi iley reer tolki ku wada xardhay isku dhacaayi wali ilaa maanta wuu taagan yahay wax xal ah oo loo helayna ma jirto wanaa salka iyo gunta colaada 4 sanno jirsatay ee dhex beesa ciise iyo maamulka Jig-jigga,Cabdi Iley wuxuu isku dayey in u Gandaha iyo ugaaska Ciise cagta hoosteeda gasho oo u awood ku muquuniyo wuxuuna u adeegsaday madaxweyne ku xiggenkiisa hora ahna Madaxweyne ku xiggenka hada,Mudane Aadan Faarax oo ay duqayda Gandaha dood kululi ku dhex martay Addeecada BBC.Ta laanteeda af Soomaaliga hadaladii kul-kulkuulaala ee ay isku waydaarsadeen ka dib marku Aadan Faarax u maara waayey garnaqsiga iyo gaws adeyga Gandaha Ciise ina Cabdi Iley wuxuu ku kacay in u Aadan Faarax xilkii madaxweyna ku xiggenimada ka caydhiyo kuna badaloo Cabdi-Xikim oo marka magaalada Godey looga yeedhay Cabdi-xakim waxaa loo arkay in u yahay nin hebed(yes men) ah oo wixii lagu shubto bari ka maalin markii loo baahdo laga shuban karo ayaa ilaa maanta gunta ugu jira hawshi Godey looga soo qaaday ee ahayd ciise nacaybka.
Wuxuuna ugu horeyn ku bilaabay halki loo soo diray ee ahayd in u dagaal aan gabasho lahayn la galo Ugaas Mustaphe iyo Ganda Rooblaha beesha ciise waxayna isaga iyo ina Iley oo wada socdi ku dhaqaaqeen in ay Gandaha iyo Ugaas Mustaphe ku shaabadeeyaan waxay ay Ethiopia ugu yeedho(NABAD DIID).
Akhristoow ma isla ognahay Eriga nabad diid wuxuu Ethiopia uga dhigan yahay!!!
-Wadamadda reer galbeedku qaar dadka muslimiinta ka mid ah waxay ula baxaan eri la yidhaahdo ARGAGIXISO qofkii muslim ah ee magacaa loogu yeedho wuxuu wadama reer galbeedka ka mudaysta cadaab iyo ciqaab adduun mid aan la sawiri karayn xita lama oga meesha lagu tuuray meydkiisa iska iloow in nolol dambe dib loogu arkee taa reer galbeedku ku hayaan muslimiinta mid la mid ah ayay dawlada Ethiopia ula baxday gooxa ku kacsan oo ah NABAD DIID sida darteed qofki ay Ethiopia ku shaabadayso magaca nabad diid wuxuu la kulma mid ka xun oo ciil iyo calool xuma badan taan reer galbeedku ku hayan muslimiinta wayna ogaayeen Cabdi-Xakim iyo ina Eley macnaha iyo ujeedada dhabta ah ee Eriga NABAD DIID Ethipia u samaysatay iyo ciqaabta loo geysto qofka lagu soo eedeeyo nabad diid.
Hadday dawlada Ethiopia u raaci lahayd hadalka ina Iley iyo gacan yarisa Cabdi-xakim Ugaas Mustaphe iyo Ganda Rooblaha ciise waxay mudan lahaayeen dil,xadhig,masaafuris iyo wax ka daraan laakiin nasiib wanaag dawlada Ethiopia way fac wayn tahay mid ku dhaqanta tala iyo wanjalaad qoofil soo wariyey.

Cabdi-Xakim wuxuu dhabarka iyo adhaxda ka jabshay labo ka mid ah 3-di ciise ku midaysna!!!
-Qofka kaste oo ciise ah yar iyo weyn lab iyo dhidig wuxuu og yahay oo ah dhaqan iyo xeer ay rag fiiro dheer 600 sanno ka hor dhidiba ugu aasan buurta barakaysan ee Sitti taas oo ah arrin lama taabtaan ah intaa qof ciise xalaal dhalad ahi aduunka ku nol yahay 3-di shayd ee xeerka ciise udub dhexaadka u ahaa labo ka mid ah ayuu maanta Cabdi-Xakim ku ciyaaray ;
1.mida koobaad waa ugaaskii beesha ciise oo u Cabdi-xakim oo arrin dil iyo wax lamid ah u horseedi kartay u ku tilmaamay
2.ta labaad waa dhulkii hooyo ee ciise weyne ee boqolaal saano u ciise warankiise iyo weedhiisa ku diffaan jiray ayuu isna maanta afkiisa ka qirtay in u Canfar si gar iyo mag la,aan ah ugu diiqay,wuxuu afkiisa ka sheegey in dhulka laga dhiso doona ilaa 50.000 oo guri laakiin maanta waxaa la gubay ilaa 50.000 oo aqal saxeexi iyo shirqoolkii Cabdi-Xakim waxaa ku dhintay tan iyo waaga ugu yaraan ilaa 100 qof iyo boqolaal dhawaac ah.
Dhulka iyo dhaxal wareejinta Cabdi-Xakim ku hayo beesha ciise kuma joogsan inta waxaa jirtay oo wali raadkeegi qoyan yahay doorashadi maayaarka magaalada Dire-dhaba oo marki la gaadhay doorkii beesha ciise ay gacanteeda soo gali lahayd ay Cabdi-Xakim iyo Cabdi Iley magaalada Jig-Jigga ka soo abaabuleen shirqoolo ciisaha lidi ku ah oo la rabay in xil wareejinta lagu gasho jaha wareer iyo qalaase ka dibna sida dad kale oo aan gayin maamuulka magaalada Dire-dhaba loogu dhiibo arrinta si loo sahlo waxaa magaalada Jig-jigga laga soo maleegey weerarkii lagu laayey dadkii ciise ee duleedka magaalada Dire-dhaba iyagoo oo aan waxba galabsan lagu laayey sababta qudha ee dadka masaakinta ee abaaruhu naafeeyeen loo laayey waxay ahayd mu,aamaraad lagu mijaxaabin lahaa xil waareejinta waxaa shirqoolaada iyo nacaybka ina Iley iyo Cabdi-xakim mar kale is hor taagey oo mid fashilantay ka dhigey dawlada fedaraalka Ethiopia oo dadka iyo degaanaadooda kala taqaan markay runta rabto.
Abaarta Gobolka Sitti iyo karti laanta Cabdi-Xakim!!!
-In ay Abaar aad u xuni ku habsatay Gobolka Sitti dad iyo duunyo badane ku hoobteen waa mid cid walba ka dhereegsan tahay Ilaahay ka sokoow masuulka qudha ee waa hore talaabo cad oo muuqata ku dhaqaaqi lahaa si loo badbaasho noloosha dumarka iyo caruurtii reer Gadhmalu ee shalay marki ay ka biyo diideen dhulkooga sida aan sharciga ahayn loogu daraayeey ummadda kale ay dilka iyo dhaawaca u geysteen dhuuni qaadayaashi soonkorta iyo bariiska qandaarasyada lagu baxsho loogu balan qaaday waa Cabdi_xakim Cumar Cigaal.
Marki gurmad iyo gargaar laga waayey Cabdi-Xakim waxay ka adkaysan kari waayey dhibta abaartu ku hayso shacbiga reer Sitti waxayna qayb ka mid ah odey dhaqmeedka Ganduhu gurmad qayla-dhaan ah ugu ambabaxeen magaalada Jig-jigga way ogaayeen masuulka uga horeeya magaalada in u yahay Cabdi-xakim iyo karditiisa laakiin waxay isticmaaleen maahmaahdi soomaaliyeed ee odhannaysa

(EELLEN MADAX MUUQDAYO MIDIDA SAAWIR AH MIDNA LAGAMA QUUSTO)

Duqayda Ganduhu markay la kulmeen Cabdi-Xakim ee ay uga xog warameen baaxada ay abaartu leedahay Cabdi-xakim oo ogaa abaarta laakiin aan dan iyo muraad toon ka lahayn dadka iyo duunyada ku dhiman gobolka Sitti wuxuu duqaydi ugu jawaabay hadal jees-jees iyo ciyaala suuqnimo ka buuxdo wuxuun ku yidhi aniga ha ii sheegina waxaad u shaaqaysiin dawlad iga xoog wayn (Jabuuti) ee orda oo iyadda ku cawda iyo wax la mid ah duqaydi oo kolkii horaaba raja ka qabin waxay ku soo laabteen magaaladoodi Dire-dhaba waxayna shir deg-deg ah iskugu yeedheen maalqabeenadi iyo ganacsatadi reer Sitti ee magaalada Dire-dhaba iyo guud ahaan gobolka sitti ku dhaqnaa waxayna si naxariisle uga dalbeen in ay u gurmadaan shacabka reer Sitti abaartu haleeshay waana la ogaa qaybti libaax ee ka qaateen gurmadkii iyo sidii u Raysal-wasaarihii hore ee Hayle Maryam Desaleygn ugu bogaadiyey marku booqasha ku yimid gobolka ee wuu magaalada Shiniile shirka kula yeeshay wax garadka beesha.

Maanta Cabdi Iley wuxuu ku jira jeelka gacan yarihiisi CabdiXakiim -na waa xor maalqabeen ah oo waliba raba in u mar kale ku soo noqdo Madaxweyne ku xiggeen iyadoo la wada arki murugga iyo mashaqadda ka dhalatay saxeexi uu ku faani jiray.