Sawirro:-Rabshado xoogan oo ka dhacay Jigjiga.

 

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada jigjiga ee Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow halkaasi ka bilaawdeen rabshado,sidoo kalena la maqlayo rasaas xoogan.

Qaar ka mid ah dadka kasoo jeeda Qowmiyada Amxaarada ayaa la sheegay in wadooyinka qaar ee Magaalada jigjiga ay xidheen,isla markaana Goobaha Ganacsiga iyo Gaadiidka intaba ay istaageen.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in sababta keentay rabshadaha iyo rasaasta laga maqlayo Magaalada Jigjiga ay ka dambeysay in Dadka Amxaarada ay ka cadhoodeen Gawaadhi ay lahaayeen iyo Goobaha ay ku cibaadeystaan oo waxyeelo loo geystay.