Qalalaasaha iyo Furfurnaantu Miyay wada Socdaan?

 

 

Ethiopiayadii hore ee Dergigii iyo Wayaanaha waxaa lagu yiqiin maamul xumo, musuq baahsan, dil, dhac, barokicin, xad gudub xuquuqaha asaasiga ah ee muwaadinku leeyahay, iwm. Iyadoo taasi jirto ayaa haddana markii aynu u hollanay isbedel dadku aad uga filayeen inay kaga nasan doonaan dhibaato oo dhan yaad moodaa inay xaaladuhu sidii la moodayay ka duwan yhiin. Maxaaa khaldan?

Waa mide waxaa is dabooli waayay halkii ay dadweynuhu ka filayeen inuu isbedelku u qaadi doono (public expectations) iyo sida gaabiska ah ee uu u socdo. Gaabiskaasi oo ay sababeen waxyaabo badan sida; Qolyihii hore magacay doonaanba ha wateene oo jallaafo la dabataagan, dawlada laftigeeda oo isbedel doon afka uun ka sheeganaysa laakiin ay ku badan yihiin hawlwadeennadii nidaamkii hore lasoo qabsaday oo u arka isbedel la taaban karaa hadduu yimaado inay ayaka laftigoodu raacayaan, diyaargaraw aad u kooban oo la sameeyay si isbedelka loola jaan qaadi Karo, dadka ganacsatada iyo qandaraaslaydii la haysatay dawladii hore oo u arka inaanay koob shaaha ka dhadhamin doonin haddii isbedel gundheer la sameeyo, iyo qaar kaloo badan..

Waa Mida labaade guud ahaan kartida lagu fulinayo isbedelka ayay su’aali ka taagan tahay. Isbedelku maaha kaliyaata khudbado qiiro badani ka muuqato oo golaha wakiillada lala horyimaado, mana aha boqollaal kun oo inta la iskusoo saaro sidii waddamadii hantiwadaaga cilmiga ku dhisan ku dhaqmi jiray warka lagusoo celceliyo intaasoo milyan oo qof ay iskusoo baxeen!Tusaale fiican waxaa kuu ah xorriyatul qawlkii oo iyadoo aan la fahamsiin shacabka Ivo walba saraakiisha dawlada u shaqaysa mar kaliya oodda laga qaaday, shacabkii waxay u fahmeen „xorriiyaatul bilaa xad“ sharci ilaalintii dawliguna waxay wali fulinaysaa siyaasadii hore ee ahayd “ xukuumada kaliyaa wax ogolaata“…bal adba is qabadsii

Waa mida saddexaade waxaa is qaban la‘ reer waqooyiga Ethiopia oo waligood u haystay inay xukunka iyaku leeyihiin oo markay ka wareegtay u qaatay in geel ay lahaayeen laga qaaday xaqna u leeyihiin inay soo dhacsadaan IYO qolyaheena aynu dhinaca isku hayno ee fara badanta oo waligoodba u arkayay inay iyagu xaqa koowaad u leeyihiin inay waddanka hoggaamiyaan maadaama ay TIRO ahaan ugu badan yihiin, halganka ka dhex socda labadaas kor ilaa hoos ayaa ragaadiyay inuu isbdelkaasi ku socdo tubtii loogu talagalay.

Haddaba khatarta ugu Wayni waxay ka iman kartaa hardanka ka dhexeeya qaybahaas kala duwan ee aan kor kusoo tibaaxay, xilli kalaguur oo u baahnaa in wax badan la baxnaaniyo ayaad mooddaa inuu hadheeyay tartan awoodeed aan la garan karin halka uu sal dhigan doono…

Wallaahu Aclam

Qalinkii; Maxamed Sh Cumar