Tiro koob laga samaynaayo deegaanada dawlad deegaanka Soomaali-State.

Gudiga Tira-koobka Guud ee dalka Itoobiya ayaa kudhawaaqay in wareegii 4-aad ee Tirakoobka dadka iyo Guryaaha Guud ahaan Itoobiya oo dhawr jeer dib loodhigay uu Commission-ka Tirakoobki xili kama dambaysa u Qabtay sida masuuliyiinta Gudigu warbaahinta u sheegeen.

Masuuliyiinta Gudiga Tira-koobku waxaa ay sheegeen in duruufo Jiray Awgood ay shaqada Gudiga Lugta Jiidaysay balse Haatan Ladhamaystiray, dhamaan diyaar Garowgii Hawsha Tirakoobka waxaana Guud ahaan dalka Itoobiya oo Soomaali-State-na lasocoto laga bilaabi doono tirinta dadka iyo Guryaha 7-da April 2019.

Masuuliyiinta Gudigan ee saxaafada lahadlay oo ay ugu Horeeyaan Fitsum Asefa, iyo Mr. Nuguse Tilaahun ayaa Hoosta kaxariiqay inaysan Jirin caqabad dambe oo dib u dhac ku keeni karta Hawlaha shaqo ee bilawgooda loo balansan yahay 7-da bisha Apil ee inagu soo Fooleh.

Gudigu waxaa ay sheegeen inay Qorshaha kudarsadeen sidii Ahmiyad loosiin lahaa Bulshoyinka ree Guuraaga ah ama Xoolo dhaqatada ah ee ay ugu Horeeyaan, Somaalida, Canfarta, Shucuubta Konfureed iyo Booranta kuwaasi oo intooda badan ah kuwa aan Nagayn oo xili kaste iska Guuri kara.

Dawlada deegaanka Somaalida waxaa la Gudboon inay isu diyaariso sidii ay kaalin mug leh uga Qaadan lahayd Tira-koobka dadka Somaaliyeed oo aan waligood Helin Tira-koob sax ah, taasi oo keentay in bulshadeenu noqoto mid aan wax xaq iyo xuquuq ah kulahayn Itoobiya