Siyaasad xumada ODP-da Oromada ayaa ka khatar badan midii TPLF.

 

Waan Ogahay oo Qaarkiin waxaad odhan doontaan Waa Jano iyo Cadaabe hays barbar dhigin Walaaleheena Oromada iyo rajiimkii daalimka ahaa ee TPLF.

Laakiin, Hadaad xasuusataan 1991ilaa 1994 TPLF waxay wadanka kumaamulaysay siyaasad qabow oo aad u furfuran Ilaa aan iska dhaadhicinay inaan ethopia ka gu’i karo oo baarlamaanka deegaankuna madax banaani u codeeyay,

Waxayna tplf aad u wadh’finjirtay, erayo ay kamid ahaayeen, itoobiyada cusub, qoomiyado, iwm. Lkn Intaa wixii ka danbeeyay waxay lasoo baxeen ajandayaal u qarsoonaa, natiijadii ka dhalatayna waan isla wada ognahay.

Hadaba siyaasada OPDO /Oramada ayaad moodaa inayba bara dheertahay. waa siyaasad qaawan oon midayn karin qoomiyadaha ethopia ee kala shakisan,

Muddo halsano kayar ayay xukunka joogaan Hayadaha heer fadaraal 70% iyagaa lawareegay. Korna way u socotaa.

TPLF xukun iyo awood ayay dadka ku laynayeen, lkn oramadu awood iyo xukun iska dhaafe dhulkanagii ayayba rabtaa inay ku darsato, oo waan aragnaa gudiyada loosaaray xuduudaha iyo meelaha la isku hayo, siday u oromaysanyihiin.

Oromo Dagaal dhul balaadhsi iyo qoomiyad nacayb ku salaysan ayay ka bilaabeen dhamaan xuduudaha ay laleeyihiin qoomiyadaha kale ee ethopia.

Wixii ethopia wayn la isku odhan jiray meesha ayuu kasii baxayaa oo qoomiyad qoomiyada kale dhex mari kartaa majirto, tusaale inaga iyo gaadiidkeenu midna intuu dhulka maro addis ababa matagi karo, in kasta inaga layna dhexyaacayo!!

Waxaan ku soo uruurinayaa siyaasiyiinta somalida, odayaasha, dhalinyaradu waa inaan wax kabarano cashiradii TPLF inoo soo dhigtay iyo kuwii ka horeeyay, Iyo isbadalka ethopia een dhaafin qoomiyad qoomiyadaha kale gumaysta.

Aan ka digtoonaano inta la isku keen mashquuliyo in la duudsiyo xuquuqdii aan qoomiyadaha ethopia ula sinayn waliba hadana mindiyaha loo soo lisanayo si dhulkii iyo khayraadkeenaba loo maamulan lahaa inagoon waxba ka qaban karin.

Bye: Aden Basey