Maxaadan ogeyn oo ku cusub qorshaha Turkiga ee wada-hadallada DF & Maamulka Somaliland.(Sawirro)

 

 

Dawladda Turkiga ayaa dardar gelisay dib u bilaabista wada hadalada Maamulka Somaliland iyo dawlada Soomaaliya, waxaana dalka soo gaadhay ergayga gaarka ah ee uu Turkigu u magacaabay wada hadallada Hargeysa iyo Muqdisho Dr. Olgan Bekar.

Dr. Olgan, oo ahaa safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya, ayaa soo gaadhay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaanu kulan la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Cawad.

“Waxaanu quraac sharafeed wada yeelanay safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz iyo ergayga uu Turkigu u magacaabay wada hadalada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland Dr. Ogan Bekar. Turkigu wuxuu ahaa martigeliyaha iyo fududeeyaha wada hadalada ilaa markii si rasmi ah loo furay sannadkii 2012.” Sidaas waxa yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaanu sheegay inay labadan diblomaasi ee Turkiga ah ka wada hadleen arrimahan oo ay is dhaafsadeen fikrado kala duwan.

Geesta kale, warar xogogaala oo helnay ayaa xaqiijiyay in ergaygan Dr. Olgan Bekar ee uu Turkigu u magacaabay wada hadaladu uu ku soo jeedo caasimadda maamulka Somaliland ee Hargeysa si uu kulan ula yeesho Madaxweyne Biixi, waxaana la filayaa inay ka wada hadlaan dib u bilaabista wada hadalada.

Wasiirka arrimaha dibadda ugu magacaaban  Somaliland Yaasiin Faratoon ayaa toddobaadkii hore u sheegay inaanay dawladda Somaliland weli go’aan ka gaadhin damaca uu Turkigu ku doonayo in dib loo bilaabo wada hadaladaas.

Si kastaba ha ahaate dawladda Turkiga ayaa u muuqata inay dardar xoog leh gelisay sidii ay kulan isugu iman lahaayeen Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, waxaanu ergaygani wada hadalada u qaabilsan Turkigu doonayaa inuu u kala dab qaado labada Madaxweyne.