Daawo Ceelkii Qalacle oo Maamulka Canfarta Hunguri ka galay

Halkani waa Dixda Qalacle oo (20Km) ujirta kagana beegan dhanka koonfurta Magaalada Garba-Ciise ee Galbeedka fog Gobolka Sitti Qalacle iyo Madane waa meelaha kaliya ee ugu dhaw shacabka Garba-Ciise iyo agagaarkeega deggan ay Biyo ka helaan miyi iyo magaalaba , waxay Maalin dhaw Maamulka canfartu ka dalbadeen Ciidamada Federalka inay goobtaasi tahay Xuduudoodi ay Shacabka Soomaaliyeed (ciise) kagasoo xadgudbay ay doonayaan in dib looga celiyo dhammaan ba ,waxaa si adag udiiday amarkaa xadgudubka ah Maamulkii iyo shacabkii Garba-Ciise waxaana goobtii tegay maamulkii magaalada Garba-Ciise, Barbaartii iyo Ciidamadii federal ka si ay goobta indhohooga ugusoo arkaan cidda deggan ee ka cabtana u ogaadaan , ugu Dambayn markay meelo badan ay dixdan kamid tahay ugu tegeen Dad Soomaaliyeed oo xoolohoogi waraabsani dhan walbana kagasoo dhaadhaco Dixda , waxay ciidamadii xaqiiqsadeen inuu maamulka canfartu been usheegay uu doonaayo xadgudub iyo Dhul boob kaloo Cusub taasna ay ciidamadu sicad ugu sheegeen inay suurtagal ahayn in shacabka dhulkiisii deggan xaqdarro lagaga raro wax soconina ahayn

Waxaa xusid mudan in Maamulka Qoomiyadda canfarta aan dariska nahay muddo 27 sano ahba kusoo dhawaanaysay Dhulka baaxadda weyn leh ee kuteedsan Cundhufo, Cadayti iyo Garba-Ciise , waxayna si joogta ah uga dhistan meel walba Magaalo ay ku xalaalaysato Dhulka dayacan ee miyiga ah , waxaa kamid ah Magaalooyinkaa mid ay ka dhisatay meel qiyaas ahaan dhawr kiiloo meter ujirto Dixdan Qalacle ay imikana Ku doodi in looga guuro

Shacabka Deegaanada iyagoon wali daryeel iyo xataa Biyo kufilan haysan iyay wali udhabar adaygayaan inay dhulkooga ilaalsadaan balse waxaa Mar walba lagaga been abuurta shirar iyo shirqoolo ay Dawlada federal ku ka dambayso oo dhulkooga kolba qayb lagu siiyaa Qoomiyado ayna isir iyo afba wadaagin

Daryeel iyo dib udejin dhab ah buu ubaahanyahay shacabkaa mudada G’odoonsan.

Slået op af Nageeye Laba'Doon i Lørdag den 9. februar 2019

Slået op af Nageeye Laba'Doon i Lørdag den 9. februar 2019

Slået op af Nageeye Laba'Doon i Lørdag den 9. februar 2019