Maxay gudigu ka wadaan Dhuunyar iyo Daymeed?

 

 

Waxaa mudo todobaad ah ba kusugan Deegaanadii mudada Dheer g’odoonsanaa markii dambana duulaan ka lagusoo qaaday Guddi Saddex geesood ah oo ka kala socdo Laba xubnood oo Deegaanka Canfarta ah ,Laba xubnood oo Deegaanka Soomaalida ah iyo laba xubnood oo heer Federal kasocdo hadaba ujeedada gudigan loo diray iyaa ahayd
1-Inay Soo arkaan dhibtaada ay kujiraan shacabka Soomaaliyeed Saddex daa magaalo (Cundhufo Cadayti iyo Garba-Ciise)Ku dhaqan
2-Inay Shirar iyo kulamo la qaataan shacabkaa ay ku waydiinayaan rabitaankooga iyo deegaanka ay kamid ahaanayaan ba sheegaan
Labadaa Qodob kadib wuxuu qorshuhu ahaa inay natiijada ay shacabka Saddexdaa Magaalo kudhaqan kalasoo kulmaan inay geeyaan xarunta Dalka ee Addis Ababa halkaana lagu qiimeeyo ay Dawladda federal ku goaan Kama dambays ah siiso shacabkaa

Hadaba gudiga oo ka koobnaa 6 daa xubnood ee kala duwan isku ujeedo inay shacabka codkooga Soo dhagaystaana utegay ,iyaa ka bilaabay kulankoogii koobaad magaalada Cadayti waxay la kulmeen shacabka iyagoo ku amray inay kasii mid ahaadaan maamulka canfarta balse waa lagu diiday ,dhawr jeer ay kusoo laalaameen iyay rajo la’aan lategeen inkastay wali quusan ay dhan ujanjeedhaan ilaa maantana ma tagin Cundhufo iyo Garba-Ciise balse waxay ku wareegayaan Cadayti

Hadaba gudigu Waa maxay khaladaadka uu kujiro ee ka baxsan ujeedadii loosoo dhiibaye
1-iyagoo dhexdhexaad ahaan loogusoo diray shacabka , waxay si cad ugu janjeedhsameen dhabka maamulka canfarta oo isagu dhul iyo dad uusan lahayn doonaayo wali , waxayna Ku amreen ay ugu hanjabeen shacabka inay diidi Karin maamulka Deegaanka Canfarta
2-waxa ay kusameeyeen shacabkaa walina kuwadaan , Shirar aan sharci ahayn oo madax daalis ah , inay jawaabta koobaad qortaan ay Magaalooyinka kala tagaan bay ahayd ilayn wuxuu waa Hal shacab iyo Cadayti dii uune
3-waxay iskudayeen walina wadaan Laalush iyo kalajebin , markay usocon waydayna awood sjeegasho iyo cagajuglayn basle midna uma hirgelin oo si adag baa loogu jawaabay
4-marka ay Codka shacabka maqlaan ay qortaan waxay ahayd inay dhanka Magaalooyinka kala usoo baxaan ay iyagana la kulmaan kadib na Addis Ababa natiijada la tagaan balse markay natiijadii qaadeen waxay la tegeen dhankaa iyo deegaanka Canfarta oo arinta halkaa dib loogusoo falanqaynaayo sida uu maamulka canfartu rabana lagasoo dhigaayo ,hadana shacabka lagusoo laami

Waxaan uga digaynaa Gudiga dhexdhexaad ka sheegani ee dhanka ujanjeedho
-waa inuu joojiyo Kalajebin ta iyo cagajuglayn ta shacabka codkoogana toos uqaado
-waa inuu maamulka canfarta uu udoodaayo joojiyaa sababtoo ah qorshihiinii maaha
-waan uga digaynaa inuu Codka shacabka ka been abuuraan iyagoo Ku dadaalayo inay Soo saaraan Natiijo maamulka canfarta qanciso

Ugu Dambayn Shacabka Cadayti iyo Cundhufo iyo Garba-Ciise ba waxaan kula talinaynaa hawshu waa halkii udambaysay ee Midnimadaa adkeeya ,wixii sharciga ka baxsan ee cagajuglayn iyo kalajebin ahna haka yeelina . Natiijada codkiina la socda oo ogaada

Labada xubnood ee deegaanka Soomaalida ka socotana waxaan leenahay. Rag aan dadnimo iyo laxjexlo bulsho aad ugu tuhmaynaad tihiin lkn Ka fiirsada oo iska diida qorshayaasha ka baxsan hawsha niniisoo diray dhammaantiin

Maamulka canfartu hadduu kolba siduu isagu doonaayo loo dhigaayo shirarka iyo hawsha ogaada inigun xaq baad uleedihiin inaad siday suacabkiinu rabaan udhigtiin sababtoo ah Iyaguba waxay kudadaalayaan dhul iyo dad ay lahayn inay helaan ,inigusee waxaad ku dadaai kartiin dad iyo Dhul aad leedihiin inaad ridatiin

Ka digtoonaada ajandaha lala tagaayo deegaanka Canfarta ee dib loosoo celinaayo Arintaa sababta aad uga aqbasheena waa mid aan aad ula yaabannahay , waan ognahay sharciga Itoobiya noo samaysatay markaan eegno ma tihiin dad shacabkaa usoo hadla la yidhi ee Gudi dhexdhexaad baad matalaysiine sidaa darteed haka weecanina Sharcigiina kuwa ka leexanina haka yeelina Haddii kale Shacabka dulman inigaa masiirkooga halis kunoqon Doono oo ninigala xisaabtami

Waan rajaynaynaa inuu Deegaanka Soomaaliduna xoojiyo gudiga dhankooga ah

Codka shacabkaa ka awood badan cid walba , Dawlada federal kuna horay nii baabi’isay maantana uma eko mid nii tudhi lkn inigaa guusha leh haddaad madmadaw ga iyo sasabashadaa simidaysan ugasoo gudubtiin.

Qore;Nageeye