Midowga Yurub oo ku daray boqortooyada Sacuudiga liiska wadamada dhaqa lacagta madow.

Midowga Yurub ayaa 7 dal oo ay ku jiraan Sacuudiga, Panama iyo Nigeria ku daray liiska madow ee wadamada loo arko inay khatar ku tahay, sababo la xidhiidha dhaqida lacagta madow iyo maalgelinta  Argagixisada sidda uu sheegay Guddiga Fulinta Midowga Yurub.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah xakameynta lacagaha la dhaqay, kaddib markii dhowr jeer oo hore ay fadeexado hadheeyeen Bangiyada Midowga Yurub.

Xukuumadda boqortoyadda Sacuudiga ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay go’aanka, sidda ay shaacisay wakaalada wararka ee Sacuudiga, waxaa uu intaa ku daray in Sacuudiga uu mudnaan gaar u leeyahay ka hortagga lacagaha la dhaqay iyo maalgelinta argagixisada.

Waxaa loo arkaa in arrintan ay waxyeelo weyn u geysanayo sumcada wadamadaas, waxaana ay caqabad ku noqon kartaa xidhiidhka dhaqaale ee Midowga Yurub la leeyahay dalalkaas, sidda Sacuudiga.

Dalka UK ayaa walaac ka muujisay warbixintan, gaar ahaan xidhiidhka dhaqaale ee ay la leeyihiin Sacuudi Carabiya.

28-ka xubnood ee Midowga Yurub ayaa la filayaa inay go’aan kama dambeys ah ka gaadhaan, waxayna heystaan muddo bil ah oo lagu kordhin karo labo bil, si ay u ansixiyaan Liiskan ama ay u diidaan.