Reer Sitti Digniin Tirakoobayaal takooran!!

Waxaa baraha bulshada lagu baahiyay liis muujinaya tirada shaqaalaha la qorsheeyay inay sameeyaan tirakoobka gobollada deegaanka Soomaalida.

Arrintani waxay dareen hor leh ku abuurtay dad badan oo horay shaki uga qabay sidda wax loo wado iyo wax socda ee tira koobka lagu sheegayo.

Gobolka Sitti oo u muuqda in loo qoondeeyay tirakoobayaasha ugu tiradda  yar su’aalo badan baa laga keenay sababta iyo meesha laga soo xadhig maroojiyey iyo cidda soo agaasintayba.

Gobolka Qorraxay isaguna wax badan ma dhaamo Sitti sidda qoraalka ka muuqata. Su’aasha ugu wayni waxay tahay qaaciidadan sidee loo sameeyay oo maxaa lagu saleeyay?

Xitaa haddii wax lagu saleeyo tirakoobkii u danbeeyay oo been-abuurba iskaga badnaa, labadan gobol ma ahayn kuwa ugu dad yar mana ahayn kuwa ugu dhul yar.

Xuuraan iyo Xog raadis badan kadib waxan soo xaqiijiyay inuu warkani run yahay oo ay dawladda dhexe u soo gudbisay deegaanka.

Xogo dheeraad ah:

1. Qorshahan waxaa la diyaariyay sannad iyo badh ka hor, Dabcan mamulkii xilligaas ee Cabdi Iley oo shacabka reer Sitti cadaawad gaamurtay u hayay saamayn buu ku lahaa.

2. Gobolka Sitti sidii caadada ahayd saddex qaybood buu u qaybsanyahay oo kala ah;

1. Dhuunyar/Daymeed,

2. Diridhabe,

iyo 3. Inta kale.

Hal qayb kaliya ayaa qorshahan lagu daray oo deegaanka Soomaalida lagu tiriyay.
3. Waa qorshe ay dawladda dhexe soo bandhigtay oo wax laga beddeli karo; dawladda dhexe laftigeeguna way ka warqabtaa in maaddaama xilligii TPLF la sameeyay uu qaladaad badani jiro waana sababta ay deegaanka ugu soo bandhigtay si ay wixii khaldan u saxaan laakiin reer Sitti maxay ka ogyihiin?

Ugu danbayn waxa jawaab waafi ah oo bulshada qancisa looga fadhiyaa maamulka deegaanka. Sidii la doono wax ha loo maareeyee waxa kaliyee la rabaayi waxa weeyi uun in la xaqiijiyo tirinta qoys kasta iyo qof kastoo Soomaali ah.

Sawirka Mawlid Kalinleh Ismail.